| | 482 views

Maamulka Hirshabeelle oo Balan qaaday inuu adkaynayo ammaanka Deegaano hos taga Degmooyinka Cadale iyo Warsheekh.

Axmed Meeyre Makaraan Gudoomiyaha Gobalka Sh/Dhexe iyo saraakiil ka tirsan dowlad gobaleedka Hirshabeelle iyo meleteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeennimaddii xalay kulamo looga hadlaay dhinaca Amniga kula yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool tuuladda Dacaar oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga degmada warsheekh ee gobalka Sh/Dhexe.

Kulank markuu soo idlaaday aya waxaa ugu horeyn goobta ka hadlay qaar ka mid ah bulshada tuulada Dacaar oo ka hadlay baahiyaha ay qabaan iyaga oo sheegay inay tahay Baahidooda ugu wayn dhanka Ammaanka.
Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Col.C/Qaadir Nuur Xasan iyo Gudoomiyaha degmada Warsheekh Axmed Xuseen Axmed waxeyna ka codsadeen Shacabka ku nool deegaanada uu hawgalka ka socdo inay xiriir wadashaqeeyn ah la yeshaan Ciidamada.
Gudoomiyaha G/Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan oo Hadal jeedintii Madasha soo xiray ayaa shacbka Gobalka ugu bishareyay in wax laga qaban doono baahyahooda inta uu ka awooda Maamulka Gobalka.
Dhanka kale Gudoomiyaha ayaa hawlgallo uu hogaaminaayo iyo kulamo is barbar socday ka waday toddobaadki aynu soo dhaafnay dhowr tuulo oo hoostaga Degaanada Cadale, Warsheekh iyo Raaga Ceelle oo dhamaantood katisan Gobalka Shbeelaha Dhexe ka wada tirsan.





Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada