| | 791 views

Ma Dhabaa In Ciidamada Xasilinta Caasimada Ay Ku Macaashaan Baraha Koontaroolada Ay Maamulaan

Hawl galkaan ayaa ku billowday ciidamado badan oo magaalada lagu soo daadshay kuwaas oo loogu magac daray Ciidamada Xasilinta caasimadda oo taagnaa inta badan laamiyada magaalada Muqdisho iyo xaafada qaar waxaana la arkayay ayagoo baaraya dhammaan baabuurta waddooyinkaas marayay,ciidamada xasilinta ayaa inta badan waxa ay hawl maalmeedkoodu noqday sidii ay lacag uga sameyn lahaayeen baraha koontaroolada ay maamulaan, waana mida keentay in dadka wata gaadiidka ay u kala saaraan laba qeyb, qeybi waa kuwo fahmay sida fudud ee wadada lagu maro,qeybtaas oo lacago joogto ah bixiya,qeybna waa kuwa maanta oo dhan wadada lagu heysto waqtina looga lumiyo.

Aaway cadaaladii,aaway sharcigii qaban lahaa ciidamada dadka shacabka ku dhibaya in ay qasab lacag ku bixiyaan, xitaa gaadiidkii dadweynaha ee caasimada ka dhex shaqeynayay ayaa dhibta badan ku qaba ciidamada xasilinta,dadka qaar ayaad arkeysaa iyagoo mararka qaar ku dacweynaya taliyaha bartaas xukumayay nasiib daro jawaabta taliyaha ayaa noqotay sidaan inta aadan ii aniga ii soo dacwoonin maxaad isaga bixin weyday lacagta loo yaqaan qorax joog,

Waa yaabe hadii taliyihii ciidamada xasilinta ee qeybtaas maamulaayay uu sidaa u hadlayo, tolow dowladana miyaay fikirkaas guracan la qabtaa,jawaabta aan u daayo aqristayaasha.

Doorashii madaxweyne Farmaajo ka dib waxaa la filaayay in aan waddo dambe shacabka laga xirin waxayna ka mid ahayd ballamo dhawr ah oo uu galay markuu tartanka doorashada ku jiray laakiin waxaa la kala fahmi la’yahay inay ahayd olole doorasho iyo in ay dhab ka ahayd laakiin waxaa madaxweynaha laga sugayaa in uu dadka la hadlo una sheego sababaha waddada looga xiray raali galina uu siiyo si kalsoonida shacabku u sii jirto una dareemaan in xaalkooda laga warqabo.

Jimcaalenuurxuseen@gmail.com





Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada