| | 358 views

Dowladda Sacuudiga oo deeq Daawo ah soo gaarsiisay Magaalada Muqdisho.

Diyaarad laga leeyahay dalka Sacuudi Arabia oo sida deeq Dawo ah ayaa saakay soo caga dhigatay Garoonka diyaaradaha magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.


Diyaaradaan oo ahayd mid ay leeyihiin ciidamada cirka Boqortooyada Sacuudiga ayaa siday Deeq Dawo ah waxaana la socda koox ka tirsan xarunta Boqor Salmaan ee gargaarka arrimaha Bani’aadamnimo.
Sacuudiga ayaa dhowaan Muqdisho keenay laba diyaaradood oo gargaar dawo ah siday,kadib qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho labo bil ka hor.
Dhanka kale 9-kii bishaan waxaa Magaladda Muqdisho soo gaartay Diyaarad laga leeyahay dalka Masar oo sida deeq Dawo ah .



Taaj Expess