| | 724 views

Iska hor imaad khasaaro geystay oo ka dhacay Degmada Kaaraan

Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Galabta israsaaseyn xoogan waxa ay ku dhexmartay qeybo ka mid ah Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Goobjooge ayaa warbaahinta u sheegay in israsaaseyntan ay timid kadib muran ka dhashay Dhul ku yaalla Xaafadda Cali Geedi ee Degmadaasi Kaaraan.

Waxaana uu tilmaamay in Iska Hor Imaadkaasi ay ku dhaawacmeen 3 ruux oo Shacab ahaa, iyadoona ay goobta gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Sugida.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Kaaraan oo ku aadan Iska Hor Imaadkaasi.



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada