| | 302 views

Fanaanadda Gaduudo Carwo oo ku geeriyootay Hargeysa

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Hargeysa ku geeriyootay fannaanadda Fanaanadda Shamis Abokor Ismaaciil “Gudoodo Carwo” oo ah fannaanadii ugu horeysay ee ku heesta af Soomaali sanadkii 1950-kii laga maqlo idaacadda.

Gaduudo Carwo ayaa la filayaa in maalinta berri ah la aaso, iyadoo eheladeeda, bahda fanka Soomaaliyeed iyo dhammaanba qoyskeeda ay si weyn u qabanqaabinayaan munaasabad loogu duceynayo marxuumadda.

Allaha u naxariistee Shamis Abokor Ismaaciil “Gudoodo Carwo” oo taariikh fac weyn ku leh fanka Soomaaliyeed ayaa da’deeda ahayd 90-sano jir, waxayna deganeyd magaalada Hargeysa oo ay haatan ku geeriyootay.

 



Taaj Expess