| | 367 views

Wararkii ugu Dambeeyay Taliyihii Saldhigga Suuqa Gaalkacyo oo ku dhintay Qarax Loogu xiray Gaarigiisa.

Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in Taliyihii Saldhigga Suuqa degmada Gaalkacyo Cali Ibraahim Cali (Cali Magafe) uu geeriyooday,kadib dhaawac saakay ka soo gaaray Qarax loogu xiray Gaari uu watay oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Qaraxan ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee wadada marta Madaxtooyada Magaalada Gaalkacyo qaybta Puntland, Cali Magafe wuxuu ka tirsanaa ciidamada Booliska Puntland, xilliga la qarxinaayay gaarigiisa ayuu ku socday, wuxuuna u socday goobtiisa shaqada.

Halka uu qaraxa gaariga ka dhacay waxaa gaaray ciidamo ka tirsan Booliska Puntland, kuwaasi oo goobta ka qaaday dhaawaca Sarkaal Cali Magafe, waxayna geeyeen Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo uu ku geeriyooday.

Dhanka kale Qaraxa gaariga loogu xiray Sarkaalkaasi ayaa lagu sheegay inay ahayd nooca dhajiska oo si koolada loogu dhajiyo gawaarida, Al-Shabaab ayaa Qaraxyo iyo dilal qorsheysan la eegata Saraakiisha ciidamada Booliska Puntland ee ku sugan Waqooyiga Magaaladaasi.



Taaj Expess