| | 374 views

Muwaadiniinta Maraykanka oo loogu baaqay inay feejignaadaan kaddib go’aanka Qudus uu Maraykanka ka qaatay.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa safaaradaha iyo Shaqaalahaba uga digtay jawaab celin careysan oo ka imaan karta go’aanka Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump maanta laga sugayo kaas oo ah in Maraykanku Qudus uu u aqoonsado Caasimada Israa’ii, islmarkaana safaarada Mareykanka uu Quduska dhigto.


Wasaarada Arimaha Dibadu waxay ugu baaqday safaaradaha inay galaan xaalad feejignaan ah amnigana adkeeyaan, sida ay shaacisay Jariidada Politico oo ka soo baxda Maraykanka Wasaarada arrimaha dibadda ayaa cadaysay suura galnimda ah in rabshado ka qarxaan wadamada islaamka iyo carabta ku dhawaaqista Madaxweyne Trump kadib.

Fariinta Digniintaan ayaa si qarsoodi ah loogu kala diray Safaaradaha Mareykanka iyo Qunsuliyadaha si loogu diyaargaroobo khatarta ka imaan karta weeraro lala beegsado safaarada Mareykanka iyo in la xoojiyo talaabooyinka ammaanka, sida uu Wargeysku sheegay.

Dhanka kale Wargayska ayaa ka soo xigtay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo sheegay inuu aad uga warwarsan yahay weerar balaaran oo lagu soo qaado iyo aargoosi loo geysto muwaadiniintooda dibadaha jooga.



Taaj Expess