| | 311 views

Munaasabad Maamula Galmudug iyo Ahlusunna oo kala Saxiixday Heshiis ka kooban 14 Qodob oo ka dhacday Madaxtooyada Soomaaliya+Sawiro

Munaasabadda Heshiiskii ay isku afgarteen maamulada Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca, ayaa lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, iyadoo ay goob joog ka yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,

Wasiirka arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa oo hishiiska ay gaaren labada dhinac qeyb ka saxiixay iyo mas’uuliyiin kale.
Eng.C/Raxamaan Cumar Yariisoow Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in hishiiska ay wada gaareen Galmudug iyo Ahlusunna uu ku qoran yahay in Sheekh Maxamed Shaakir uu noqonayo Wasiirka koowaad ee Galmudug, islamarkaana uu shir guddoomin doonno shirka Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug.


Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo Hogaamiyaaha Ahlusunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Heshiiska u kala Saxiixay Galmudug iyo Ahlusunna,iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa uu Heshiiska la saxiixay Madaxweyne Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir.
Qodobada lagu Heshiiyay ee 14-ka Qodob ka Kooban waxaa ka mid ah in Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxweynaha Maamulka Ahlusunna uu noqdo Wasiirka Kowaad Ee Galmudug islamarkaana uu Shir Guddoomin Doono Kulamada Golaha Wasiiradda Galmudug sida ku Qoran Heshiiska.
Qodobada waxaa kale oo ugu Muhiimsan in Madaxweynaha Galmudug, Ku xigeenkiisa,

Hadaba halkan hoose ka Akhriso qodobada Heshiiskaas.



Taaj Expess