| | 311 views

DEG DEG:-Nabadoon Caan ka ah Degmada Baraawe oo kooxo Hubaysan Salaadii Cishaha Caawa ku Dilay Magaaladdaasi.

Wararka nagasoo gaaraya Degmada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose ayaa Sheegaya in daqiiqado ka hor lagu dilay gudaha degmadaas Nin Nabadoon ahaa oo si weyn loo Yaqaanay.


Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacabi jirey Saydinaa Xaajiyow,waxaana dilkiisa fuliyay kooxo ku hubeysan bastoolado sida ay sheegayaan wararka lag helaayo Madaxda Maamulka Degmada Baraawe
Dhanka kla Nabadoonka la dilay ayaa ka soo baxay masaajid ku yaala Degmada Baraawe xiligii Salaadda Cishaha kadib, wuxuuna Nabdoonkaas ka mid ahaa Alle ha u Naxariistee Mas’uuliyiinta maamulka Degmadda Baraawe, isagoo mar soo noqday Gudoomiyihii dhul bixinta Degmadaas xiligii Dowladdii Dhexe ee Soomaliya.



Taaj Expess