| | 218 views

Shirwayanha  doorashada  xiriirka  Soomaaliyeed  ee Dabaasha oo Muqdisho ka dhacay+Sawirro

Xiriirka Soomaaliyeed ee Dabaasha ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay  shirwaynaha  doorashada xirirkaas , waxaana lagu doortay hogaanka  afarta sano  ee soo socota xiriirka yeelanayo.

Shirwayanaha oo ka dhacay magaalada Muqisho waxaa kasoo qeyb galay   Masuuliyiin ka socotay Wasaaradda dhallinyarada iyo Isboortiga, guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Naadiyada Xiriirka Dabaasha, musharaxaiinta xilalka u tagnaa  iyo Marti sharaf kale.

 

Ibraahin Xuseen Cali Roombo oo ka socday  Guddiga Olombikada Soomaaliyeed  isla markaana ahaa guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa sharaxaad dheer ka bixiyay   taariikhda  iyo muhiimada ay ciyaarta  Dabaasha u leeedahay Soomaaliya, intaa kadib Cabdi Cabdulle Axmed (Baasaale) oo Guddiga Doorasha ka mid ahaa ayaa   madasha ka aqriyey   xubnaha ka socday Naadiyada codkooda dhiibanayey iyo masuuliyiinta u taagnaa doorarasha  guddiga fullinta xiriirka Dabaasha  , waxayna Naadiyada  cod aqlabiyad leh   Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Dabaasha 2017-2021 u doorteen   Axmed Cabdi Xasan Wataac.

Sidoo kale waxaa Guddoomiye ku xugeenada xiriirka   loo  kala doortay  Cali Axmed Abuukar  1-aad ,  Muxudiin Cabduqaadir Maxamed 2-aad  iyo   Maxamed Bashiir Cali 3-aad.

 

Xubanaha  xiriirka  waxaa  loo doortay , Shamso Axmed Cali,  Maslax Maxamed Maxamuud ,  Xamza Cali Xamza , Axmed Nuur Maxamed,  iyo Cumar Cabdullaahi Maxamed .

Xoghayaha ayaanan kujirin xubnaha la doortay waxaana soo magacaabi doona Guddoomiyaha la doortay ee xiriirka.

 

Gebogebadii waxaa halkaas  ka hadlay Guddoomiyaha cusub ee xiriirka Soomaaliyeed ee  Dabaasha Mudane Axmed Cabdi Xasan Wataac ,waxuuna yiri “ Xxirirka Dabaasah waxuu ka mid yahay xiriirada guddiga Olombiakd Soomaaliyeed hoostaga basle aan  sida joogtada u shaqeyn waxaana Aniga iyo xubanaha guddiga  fullinta loo doortay dooneynaa in aan xiriirka ka dhigno mid shaqeeya lana tartama  xiriirada kale ee dalka kajira  kana soo muuqda tartamada heerka caalami.”

Guddoomiye Wataac ayaa dhanka  kale mahad celin ballaaran usoo jeediyey  naadiyada sida kalsoonida kujirto codkooda usiiyay waxuuna ballaan qaaday in waxqabad muuqda ay la imaan doonaan.

Xiriirka Soomaaliyeed  ee Dabaasha ayaa ka mid ahaa xiriirada bandhigga  wanaagsan ku lahaa ciyaaraha   ee caalami , Soomaaliyana guulo usoo hoyey waxaana hogaanka cusub ee  loo doortay   laga rajeynayaa in ay dib usoo nooleeyaan  guulihii taariihiga uu xiriirkaas ku caan baxay.

 

W/D: Xuseen Maxamed Hadafow

Hadaafoow7@gmail.com



Taaj Expess