| | 269 views

Guddoomiyaha X/S/k/C oo markii 6-aad loo doortay CECAFA

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa maanta oo sabti ah marki lixaad oo xiriir ah loo doortay guddiga fulinta xiriirka kubada Cagta ee bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA, doorasho ka dhacday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Doorashada waxaa ku loolamay 8 murashax oo ka kala socday dalalka ku bohoobay ururka CECAFA, waxaana loo tartamayay 5 boos oo guddiga fulinta ah. Shanta masuul ee ku guuleystay doorashada waxaa ay kala yihiin: Abdiqani Said Arab (Somalia) Wallace karia (Tanzania), Aimable Habimana (Burundi), Ms Doris Petra (Kenya) and juneidi Tilmo (Ethiopia), halka  Moses Magogo (Uganda), Kourecha Ali Guedi (Djibouti) iyo  Vincent Nzamwita (Rwanda) ay tartanka isaga bexeen markii ay xaqiiqsadeen in laga adkaanayo.

Xubnaha gudiga fulinta ayaa xafiiska joogi doona afarta sano ee soo socota, iyadoo la raacayo dastuurka CECAFA oo dhawaan is badal lagu sameeyay halka markii hore xubnaha guddiga fulinta uu waqtigoodu ahaa laba sanadood oo keliya.

“Is badalka lagu sameeyay dastuurka waxaa si wada jir ah u ogolaaday dhamaan dalalka CECAFA  shirkii ka dhacay Khartuum dalka Sudan 30-kii bishii September ee sanadkan”ayuu yiri Mudane Cabdiqani Saciid Carab oo sidoo kalana sii haya xilkiisii gudodomiye ku xigeenka CECAFA.

Dhanka kale wasiirada Isboortiga dalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, ayaa hambalyo u dirtay guddoomiye Cabdiqani Saciid carab guusha uu mar kale dalka Soomaaliya usoo hooyay.

“Anigoo ku hadlaya magaca dowlada Federalka Soomaaliya iyo magaceyga waxaan hambalyo u dirayaa Guddoomiyaha xiriirka kubada Cagta Soomaaliya cabdiqani Saciid Carab dib u doorashadiisa. Tani waxay Soomaalida oo dhan u tahay waqti kale oo guul xambaarsan”ayay qoraal ay soo saartay ku sheegtay Marwo khadiija Maxamed Diiriye maanta.

“Soomaaliya horay ayay u socotaa, dibna u laaban meyno. Dalku wuxuu kasoo kabsanayaa nidaam darro muddo dheer jirtay. Ka wasiir ahaan waxaan cadeynayaa in wasaarada ay ka go’antahay in si buuxda aan u horumarino Isboortiga dalka, mar aan dheereyna Soomaaliya si dhab ah ayay usoo wada kabsan doontaa”ayay hadalkeeda sii daba dhigtay waasiirada dhalinyarada iyo Isboortiga dalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye.



Taaj Expess