| | 390 views

Xildhibaanada Hirshabelle Oo Bilaabay Qaban Qaabada Mooshin Ka Dhan Ah Madaxweynaha Maamulkaas

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa dhaliilay qaabka madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu u maray Magacaabista Golaha Wasiirada cusub ee Maamulkaasi.

Waxaana ay tilmaameen qaar ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka in aan Sifo Sharci ah loo marin Magacaabista Golahaasi.

Xildhibaan Sharmaa’arke Xasan Ganey oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in madaxweynaha Hisrhabelle uu baal maray Dastuurkii Maamulkaasi.

Waxaana uu xusay in ay wadaan qaban qaabada Mooshin ka dhan ah madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.



Taaj Expess