| | 716 views

Wasiir Beyle: “Dowlad Goboleedyada dekadaha leh waxba ma siinno”

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah aysan dhaqaale siinin dowlad Goboleedyada leh dekadaha ee uu dakhliga gudaha u soo xaroodo.

Wasiirka oo wareysi siiyay TV-g Somali Caple ayaa sheegay in dowladda dhexe ay kaliya lacag miisaaniyadeed siiso dowlad Goboleedyada aan lahayn dekadaha.

Waxaa uu intaas ku daray in Dowlad Goboleedyada ay kala dhaqaale badanyihiin islamarkaana kuwa dekadaha leh ay helaan dhaqaale ka badan kuwa kale ee aanay dekadahooda shaqeyneyn.

Dhinaca kale Wasiir Beyle ayaa sheegay in Xerada Xalane Sharikado Ganacsi oo ka howlgala ay canshuur ku rogtay dowladda Soomaaliya loona baahanyahay in ay bixiyaan.

40 Sharidadood oo ay leeyihiin dad isugu jira Soomaali iyo Ajaanib ayuu sheegay in ay shaqeeyaan Xerada Xalane,kuwaas oo hadda diiwaankooda la buuxiyay canshuurna laga doonayo.

Wasiirku waxaa uu raaciyay in haddii Canshuurta laga waayo dadka AJaanibta ah ay la tiigsanayaan xeerarka u yaalla Dalka.





Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada