| | 408 views

FBI-da Mareykanka oo dambi ku weysay wiil Somali ah

FBI-da Dalka Mareykanka ayaa xaqiijisay in C/Risaaq Cali Cartan uusan xiriir la laheyn Daacish kaddib markii Sanadkii hore uu weerar ku qaaday Jaamacadda Ohio oo uu dhiganayay.

C/Risaaq ayaa 11 Qof ku dhaawacay weerarkaas waxaana FBI-da ay sheegeysaa in kaliya ay saameysay fikirka Daacish ee uusan wax caawinaad ah ka helin Ururka Daacish.

Cartan ayaa isla goobtaas ku dhintay,waxaana maalin kaddib weerarkaas sheegatay Daacish oo ku faantan in Cartan uu ka mid ahaa Askarta Daacish ee Mareykanka joogta.

Baaritaanka FBI-da ayaa muujiyay in Cartan ay la tagtay fikirka Daacish laakiin aysan helin wax caddeyn ah oo muujinaya in uu qorshaha weerarkaas kala tashtay Daacish amaba ay amartay.

Jaamacadda Ohio ayaa malaintii talaadada ahayd ee Todobaadkan xustay Sanad kaddib weerarkii Jaamacaddaas uu Cartan ku qaaday Sanad kahor.

Maamulka Jaamacadda Ohio State wali kama hadlin natiijada baaritaanka ay shaacisay FBI-da ee la xiriira Ardaygooda weerarka ka geystay Jaamacaddiisii.

Afhayeen u hadlay dacwad oogaha Gobolka Ohio Ron O‘Brien,ayaa sheegay in C/Risaaq Cartan uu falkaas kali ku ahaa islamarkaana aysan jirin cid la qorsheysay ama ka caawisay weerarkii uu ku dhaawacay 11ka Qof Sanad ka hor.



Taaj Expess