| | 196 views

Arsenal oo Xalay Garoonkeeda Ku Xasuuqday Kooxda Huddersfield.

Arsenal ayaa halkeeda ka sii wadatay rekoodhkii guulaha xidhiidhka ah ee ay xili ciyaareedkan, waxayna xasuuq xun u gaysteen xalay kooxda heerka labaad ka soo baxday ee Huddersfield iyada oo Gunners muujisay awooda wayn ee ay xili ciyaareedkan ku leedahay garoonkeeda.
Ciyaaryahan Lacazette ayaa bilawgii kulankan goolasha daah furay laakiin qaybtii danbe ayay ahayd markii ay Gunners sida roobkaga goolal kaga dhigtay kooxda Hudderfield iyada oo Olivier Giroud uu laba gool dhaliyay halka Alexis Sanchez iyo Mesut Ozil ay min hal gool raacsadeen.
Daqiiqadii 3-aad Arsenal ayaa markiiba heshay goolkeeda furitaanka waxaana kubbad uu si qurux badan u dhamaystiray goolkan ku dhaliyay xidiga jecel inuu Emirates Stadium ku ciyaaro ee Alexandre Lacazette kaas oo gool caawin ka helay Aaron Ramsey laakiin Alexandre Lacazette ayaa markii horeba si fiican uga soo qayb qaatay dhismihii goolkan isaga oo Xhaka kubbada la sii ciyaaray, wuxuuna xidiga reer France ciyaarta ka dhigay 1-0 .
Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayuu Arsene Wenger kaydka uga yeedhay Olivier Giroud wuxuuna badalay xidiga goolka kaliya ee qaybtii hore ay Gunners la timid dhaliyay ee Alexandre Lacazette laakiin markan Huddersfield ayaa halis wayn la soo baxday.
Arsenal ayaa bilawday hawlgal aan la joojin karin waxaana goolka labaad ee ciyaarta ay ku dishay u saxiixay Giroud kaas oo caawin uu ka helay Mesut Ozil ku dhaliyay goolka niyad jabka wayn ku abuuray koxoda Huddersfield waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Gunners hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay.
Daqiiqadii 69-aad oo ah hal daqiiqo kadib goolka labaad ee Arsenal waxaa markan ciyaarta hurdada u diray Alexis Sanchez oo mar kale caawin ka helay boqorka gool caawinta ee Mesut Ozil kaas oo laba daqiiqo oo isku xiga laba gool caawin u sameeyay kooxdiisa, wuxuuna Sanchez markan ciyaarta ka dhigay 3-0 ay Gunners ku dubanayso Huddersfield.
Markaan waxaa gool dhaliyay gool caawiye Mesut Ozil oo isku badalay gool dhaliye, kadib markii uu Aaron Ramsey isna qaatay doorkii Ozil ee gool caawinta waxayna markan Gunners heshay goolka damaashaadka ee afraad ee ay Huddersfield ku sii ceebaysay waxayna ciyaartu noqotay 4-0 ay Gunners ku xasuuqayso Huddersfield.
Olivier Giroud ayaa dhaliyay goolkiisa labaad ee kulankan iyo waliba goolka shanaad ee kooxdiisa Gunners waxayna jamaahiirta Arsenal heshay goolal badan oo ay si joogto ah qaybtii dambe kulankan ugu dabaal dagayn waxaana caawinta goolkan sameeyay Kolašinac iyada oo ciyaartu noqotay 5-0 ay Gunners ku gumaadyso kooxda martida ahayd ee Huddersfield.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 5-0 ay Arsenal si xun ugu xasuuqday kooxda heerka labaad ka soo baxday ee Huddersfield waxayna Gunners barbaraysay rekoodhkii abid ugu fiicnaa ee ay kulamada ugu badan ee xidhiidhka ah gaaroonkeeda ay guulo ku gaadhay iyada oo kulankii 12 aad oo xidhiidh ah guulaysatay.



Taaj Expess