| | 481 views

Qaaraanka ay Qadar Ku Deeqday,Qofba si u Qaaday.“Faalo deeqda Qadar ay bixisay” By:Diraac Fagaase

Dowladnimada Soomaaliya wixii ka danbeeyey dowladii uu madaxweynah ka ahaa  Eebe ha naxariistee   Maxamed Siyaad Bare ma jirin heshiis rasmi ah oo lagu maalgalinayo dalka ama lagu siinayo dowladihii soo maray dalka dhaqaale wax ku ool ah oo dalka iyo dadka wax loogu qaban karo.

Laga soo bilaabo dowladii Carte ee Cabdiqasim Salaad Xasan madaxweynaha ka ahaa ilaa Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud ma jirin heshiis dhaqaale ee dhanka horumarinta iyo kaabayasha dhaqaalaha ku baxaya oo dowladdu la gashay dowlado kale ama hay’ado caalami ah oo noqda mid miro dhal ah, ama waxaa ku xirnaan shuruudo aan laga bixin karin fulintooda.

Heshiika shalay Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta mudane Jamaal Maxamed Hassan iyo Agaasimaha   Sanduuqa horumarinta Qadar Mr. Khalifa Jassim Al kuwari ku dhex maray magaalada Muqdisho kaasoo gaaraya $ 200,000 milyan oo doolar oo wax looga qabanayo dhismaha wadooyinka isku xira Muqdihso Jowhar, iyo Afgooye iyo Muqdisho  isla markaana dib u dhis balaaran lagu samaynayo xarumaha dowladda ee ku burburay dagaalada sokeeye ayaa wax weyn ku soo kordhinaya horumarka dalka. Heshiiskaan ayaa calaamad u ah garab istaaga aan shuruudu ku xirnayn ee walaalaheena Qadar ay la garab istaageen shacabka Soomaaliyeed.

Aan dib u milicsano heshiiskii (New Deal) ee Dowladii hore ay gashay kaas oo lagu saxiixay aduun gaaraya 2.5 Bilyan oo dolar, oo wadamada deeqda bixiya ugu wanqaleen wax ka qabashada amniga, horuamrinta adeega bulshada, dhisida kaabayaasha dhaqaalaha, dib u heshiisiinta, kor u qaadida tayada hay’adaha dowlada iyo gar gaarka bani aadantinimo. Mudadii 4-ta sano ahayd ee uu socday barnaamijkaas ma jirto ilaa iyo hada wax la taaban karo oo dalka looga qabtay lacagta intaas le’eg, waxaana dhaqaalahaas badankiisu ku baxay shirar ka dhacaya dalka dibadiisa iyo gudihiisa, la taliyayaal sare oo ka socday caalamka, diyaarado maalinba meel u duulayey, waxaa xusid mudan in diyaaradaha qaarkood malin kasta looga soo shaqo tagi jiray magaalada Nairobi galabtiina ay rawaxin jireen shaqaalaha ajanabiga ah.

Dowladan cusub ayaa gabi ahaanba iska diiday in shirkii bisha May, 2017-kii ka dhacay magaalada London ee dalka Ingiriiska in Soomaaliya la galiyo barnaamij la mid ah New Deal, waxaase taa badalkeedu dowladu dalbatay in lagu taageero “Qorshaha Horumarinta Qaranka” (National Development Plan)  oo ah barnaamij Soomaalidu leedahay oo ay dajisay Wasaarada Qorshaynta ee XFS, waxaana ay ku wargalisay beesha caalamka ciidii rabta in ay Soomaaliya taageerto wixii dhaqaale ay u soo marsiiso halkaas si wax looga qabto meelaha mudnaanta u kala leh dowladda.

Lacagtii ugu badnayd ee hal mar la siiyo dowladii hore ayaa ahayd in ($ 50 milyan oo doolar) oo ay bixisay dowlada sucuudiga, lakiin shuruudaha ku xiranaa lacagtaas ayaa ahayd in la gooyo xiriirka siyaasadeed ee Dowladda Iraana la leedahay Soomaaliya, waxaana go’aankaas lagu fuliyey in kayar usbuuc. Halka ka akhriso lifaaqa qoraal ay soo qortay Rauters xiligaas. https://www.reuters.com/article/us-somalia-saudi-iran/somalia-received-saudi-aid-the-day-it-cut-ties-with-iran-document-idUSKCN0UV0BH. Waxaa kale oo jiray lacago aan badnayn oo cadaan ah oo soo galay dalka, kuwaas oo dhamaan watay shuruudo adag. Waxaase marna la ilaabi karin in dowlada Turkiga  oo ah dowlada kaliya ee kabta Miisaaniayadda dowladda sanad kasta aysan wax shuruud ah ku xirin gar-gaarka ay siiso Soomaaliya, waxayna dalka ka qabteen wax la taaban karo laga soo bilaabo 2011-kii.

Dowlada Soomaaliya oo ku fa’iiday Siyaasadii dhex dhexaadnimada ahayd

 

Dad badan oo siyaasada gobolka iyo tan caalamka u dhuun daloola ayeey ku noqotay lama filaan kadib markii dowlada Soomaaliya ay ku dhawaaqay in khilaafka ka dhaxeeya dalalka khaliijka ay dowlada Soomaaliya qaadatay door dhex dhexaadnimo. Waxaa durbaba la isla dhex yaacay warar been abuur ah oo sheegaya in Soomaalida ka shaqaysata Sacuudiga la soo tarxiilayo dhamaantood, in ganacstadii xafiisyada ku lahayd Dubai waqti ay dalka uga baxaan loo qabtay, in xoolihii Soomaaliya ee Sucuudiga aadi jiray la joojinayo, in lacago badan lagu bixinyo sidii dowlada looga keeni lahaa mooshin, iyo in maamulada gobolada dhaqaale la siin doono si ay uga horyimaadaan dowladda, balse taa badalkeeda dowlada waxay u noqotay guul in go’aankaas ay qaadatay una soo hooyey magac iyo sharaf weyn, waxaana meesha ka muuqatay in Soomaaliya ay noqoto wadan lala tacaamuli karo madaama go’aankooda ay u madax banana yihiin, waxaana dowladu ku guulaystay in ay xiriir saxiibtinimo la yeelato wadamada dariska ah oo dano kala duwan wata iyo dalalka khaliijka oo khilaaf xuni soo kala dhexgalay.

Dhinaca kale waxaa jiray dad yar oo qabay in “Waa Baahanahay aan Bakhti loo cunin” Go’aanka Soomaaliya qaadatayna u arkay mid ka turjumaysa qab-weyni iyo sharaf, mid ka turjumaya madax-banaanida dalkeena, mid ka turjumaya go’aan qaadashada madaxdeena  iyo mid ku qotoma inaan soor quureed la qaadan.

Dalalkaan khaliijka ee dirirta siyaasadeed dhex martay ayaa dhalyo ahaan, dhaqan ahaan, is dhexgal bulsho ahaan, darisnimo, carabnimo iyo ceelasha saliida oo dhuumahoodu isu wada daloolaan aysan kala maarmi karin oo ay mar uun heshiin doonaan, sidii Sacuudiga iyo Sweden uga heshiiyeen xurguftii siyaasadeed oo dhexmartay  June, 2015-kii, taas oo horseeday in Soomaaliya ay ku canbaarayso Sweden waxaana dowladda Soomaaliya tiri xiligaas “Dowlada Soomaaliya waxay cambaaraynaysaa oraahda ka soo baxday Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sweden, taas oo la xariirta inuu dhexgalo arimaha Sacuudiga. Dhaqaka noocaan ah wuxuu si cad u mamnuucayaa cadooyinka siyaasadeed iyo sidoo kale sharciga caalamiga ah ee u dhaxeeya wadamada”

Halkaan kala bax lifaaqa war-saxaafadeedka ay soo saartay Wasaarada Arrimaha Dibadda Soomaaliya

https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2015/03/Press-Release-For-Immediate-Release.pdf

Waxaan xasuustaa xiligii Dowladda Cabdullahi Yusuf Axmed AUN  Madaxwynaha ka ahaa oo ay daganayd magaalada Jowhar 2005-tii, ayaa waxaa booqosho noogu yimid safiirka Shiinaha u fahdiya Kenya, wuxuuna noo keenay jeeg ay ku qoran tahay $100,000 (Boqol Kun oo dollar) waxaana loo qabtay xaflad lagu gudoonsiinayo dowlada lacagtaas. Waxyna maalinkaas noogu dhignayd marka loo fiiriyo duruufta dhaqaale ee xiligaas jirtay mucaawino aad u balaaran oo naga soo gaartay dalweynaha Shiinaha. Hada marka la fiirsho baahiyaha ay Soomaaliya qabto ee dhan kasta ah $ 200,000 Milyan maahan lacag badan, balse wadan ku dhiiraday inuu intaas bixiyo waxaan u ahayn abaal weyn, taariikhada ayaana xusi doonta deeqda Qadar ay bixisay.

Gabagbadii, madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa guulo wax ku ool ah ka soo hooyey siyaasada arrimaha dibaada, wuxuuna salka u dhigay xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya caalamka iyo dalalka aan dariska nahay. Waxaan sidoo kale amaan iyo bogaadin u soo jeedinaya dowladda Qadar oo si deeqsinimo ah dhaqaale aad u faro badan ugu deeqaday Soomaaliya, dhaqaalahaas oo noqonaya kii ugu badnaa oo hal mar la siiyo dowlada Soomaaliya. Waxayna daliil u tahay in dowladnimada Soomaaliya ay qaangaar noqotay isla markaan abuurtay jawi hufnaan iyo is aaminaad ku dhisan. Waxaan aad u rajaynaa inaan la dayicin fursadan oo qandaraaska lagu bixinayo dhismaha wadooyinka la siiyo shirkado aqoon durugsan u leh dhismaha laamiyada si xorr ah oo xalaal ahna loogu tartamo.



Taaj Expess