| | 534 views

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo qudbad uu aad ugu dhibtooday u jeediyay Baarlamaanka Soomaaliya

Guddomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud ayaa xalay khudbad uu ku dhibtooday waxa uu ka jeediyay xarunta golaha aqalka Sare, iyadoo boqolaal Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya si weyn uga qosliyay Guddoomiye Xaamud oo aad moodo inuu afka Soomaaliga haatan baranayo.

Waxa uu sheegay in shacabka iyo Dowladda Jabuuti ay garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed, isagoona sheegay inuu salaan ka sido Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Guddomiyyeyaasha aqalka sare iyo kan hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iyagu goob joog ka ahaa kulankaan oo lagu soo dhoweynayay dhigooda dalka Jabuuti, waxayna Mudanayaasha qaarkood dalbadeen in khudbadda Guddoomiye Xaamud laga bedelo bacdamaa uu ereyada luqadda afka Soomaaliga uu si weyn ugu xiiqay.



Taaj Expess