| | 290 views

155 oo lagu dilay weerar lagu qaaday Masjid ku yaala dalka Masar

Ugu yaraan 155 qof ayaa ku dhintay weerar qarax iyo rasaas loo adeegsaday oo lagu qaaday masjid ku yaala Gobolka waqooyiga Sinai Peninsula, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay dawlada.

Weerarka ayaa ka dhacay tuulada al-Rawda, ee galbeedka al-Arish, intii lagu guda jiray salaadda Jimcaha.

Warbaahinta dalka Masar ee MENA ayaa xaqiijisay dhimashada, iyaga oo ka soo xigtay ilo amaanka  ah. Waxa kale oo sheegeen in 120 qof ay ku dhaawacmeen weerarka.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in weeraryahannada u adeegsadeen walxaha qarxa kadibna ay rasaas ku fureen dadka cibaadaysanayay intii ay socotay khudbada.

Masar ayaa sannado badan la dagaallamaya dhaqdhaqaaqa hubeysan ee degaanka Sinai Peninsula, kuwaas oo xoogaystay tan iyo markii millatariga ay afganbiyeen madaxweynihii sida dimoqraadi ah loo doortay ee Maxamed Morsi oo ka mid ahaa Ikhwaanul muslimiinta bartamihii 2013-ka.

Sanadkii 2014-kii, kadib markii qarax bambo ay ku dhinteen 31 askari ayaa madaxweyniha Masar Abdel Fattah al-Sisi uu ku dhawaaqay xaalad deg-deg ah ee Gacanka Sinaay isaga oo ku tilmaamay “xarun saldhig u noqotay waxa uu ugu yeeray argagixiso”.



Taaj Expess