| | 946 views

Warbixin xiiso leh oo ku saabsan mucaaradka Dowladda Soomaaliya (Daawo)

Waxaan halkaan idinkugu soo gudbinayaa warbixin xiiso leh oo laga diyaariyay mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin madax horay dalka u soo maamulay, Weriyeyaal, qurbajoog iyo siyaasiyiin qaarkood ka mid ah Xukuumadda haatan Madaxweynaha uu ka yahay Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo).

Madaxweyne Farmaajo oo dhowaan Muqdisho kula hadlayay goob xaflad ahayd ayaa sheegay in Dowladiisa iyadoo muddo dhowr bil ah jirtay lagala hor yimid mucaaradad, taasi oo uu sheegay inuu isaga qudhiisa horay loogu casuumay in la mucaarado dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh ee isaga ka horeysay.

Warbixinta waxaa kale oo ku jira Weriye Jamaal Axmed Cusmaan oo ka tirsan weriyeyaasha Telefishan Ingiriiska laga leeyahay oo lagu magacaabo Chanal4 kaasi oo isagu maalmahaan caadeystay inuu baraha bulshada ku aflagaadeeyo madaxda sare ee Dowladda Soomaaliya, isagoona xiriir dhow oo wada shaqeyn la leh ururka Al-Shabaab.

Halkaan hoose ka daawo Weriye Jamaal oo sharaxaad ka bixinaya Al-Shabaab, gaar ahaan qaabka lagu asaasay, dagaalka ay ka wadaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.



Taaj Expess