| | 409 views

Wasaarada Ciyaaraha iyo Xiriirka KCS oo beeniyay inaysan Soomaaliya ka qaybgalayn Tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Gudoomiyaha xiriirka KCS Cabdi Qani Saciid Carab ayaa maanta la hadlay saxaafada, wuxuuna beeniyay wararka sheegayay in Soomaaliya aysan ka qeyb gali doonin sanadkan tartanka Bariga iyo Bartamaha Africa ee CECAFA oo lagu qabanayo dalka Kenya.


Cabdi Qani ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin waxba kama jiraan, Balse wuxuu sheegay in Soomaaliya ay xubin buuxda ay ka tahay wadamada ka qeyb galaya tartanka Bariga iyo Bartamaha Africa.
Wasiirka ciyaaraha ee Xukuumada Soomaaliya khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in warar been abuur ah lagu faafiyay baraha internetka,islamarkaana taasi aan loo dulqaadan doonin, waxayna ku baaqday in laga shaqeeyo hormarka ciyaaraha dalka.



Taaj Expess