| | 195 views

Madaxweyne Mugabe oo ku adkeystay inaanu iscasili doonin.

Dad ay horey u wada shaqeyn jireen madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe ayaa si xoog leh u cambaareyay diidmadiisa ku aadanayd baaqyadii looga dalbanaayay in uu is casilo.

Madaxa ururka ku bahoobay halgamayaashi dalkaasi usoo dagaalamay Chris Mutsvangwa ayaa BBC-da u sheegay in Mr Mugabe uu ku jiro Calaw siyaasaded.

Xalay khudabaddii uu jeediyay Mr Mugabe oo laga sugaayay in uu isku casilo ayaa taasi badalkeeda waxa uu sheegay in uu shir guddoomin doono kullanka golaha fullinta ee xisbigii laga saaray.

Haddaba, khudbadaasi maxaa lagu micneyn karaa? su’ashaasi iyo kuwa kale ayay Bushra Nuur hor hordhigtay Dr Ibraahim Faarax Bursalid oo ka faalooda arimaha Caalamka.



Taaj Expess