| | 492 views

Taliyayaasha ciidamada Somaliland oo digniin soo saaray

Qaar ka mid ah magaalooyinka Somaliland waxaa ka bilowday isu soo baxyo rabshado wata oo ay sameynayaan taageerayaasha xisbiyada mucaaradka isla markaana khal khal geliyay xaaladda nabadgelyo ee goobaha ay ka dhaceen.

Taliyeyaasha ciidamada Milateriga, Booliska iyo Asluubta oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa digniin u jeediyay taageerayaal isugu soo baxay magaalooyinka Geerigaabo, Burco iyo Hargeysa.

“Dadka dabka dabka hurinaya shacabka Somaliland waa inay iska qabtaan” ayuu yiri taliyaha ciidamada Somaliland Sareeye Guuto Ismaaciil Shaqalle oo sheegay inay had iyo goor u taagan yihiin sidii ay uga shaqeyn lahaayeen ammaanka.

Waxaa kale oo taliyeyaasha ciidamada Somaliland ay ka digeen in la iska hor keeno ciidamada iyo shacabka, waxayna hoosta ka xariiqeen inaan la beylihin sharafta dadka iyo dalka Somaliland ay ugu soo idlaatay doorashada madaxtinimada.



Taaj Expess