| | 353 views

Dowladda oo soo bandhigtay magacyada xubno ka tirsan Shabaab

Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abukar Islow (Ducaale) ayaa maanta Golaha Wasiirada siiyey warbixin la xiriirta amniga, isagoo sheegay in ay Hay’adaha amniga wadaan howlgallo qorsheysan oo kuwii ugu danbeeyey ee laga fuliyey degmada Afgooye lagu soo qabqabtay 29 oo ka tirsan Al-Shabaab oo ay ka mid ahaayeen,

1. Aweys Khadar Ahmed, oo ahaa Amiirka u qaabilsaanaa howlgalada Afgooye
2. Abdullahi Mohamud Mukhtaar (Ileey), farsamoyaqaanada qaraxyada,
3. Salah Abdulkadir Abdulle, Madaxa lacagaha Sakawaatka
4. Mohamed Aweys Ali, oo ka tirsanaa amniyaatka
5. Mohamed Hussein Salad (Yemeni), oo ka tirsanaa amniyaatka
6. Mohamed Ali Hassan – Amniyaatka
7. Bakar Mohamed Yaqub – Miiniiste ahaan tashkiiliyaha dhalinyarada
8. Sakariya Salad Mohamed – Amniyaatka
9. Aweys Kamal Muhiadin – Amniyaatka.

Sidoo kale waxaa iyadana lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo C/wali Cabdi Daa’uud oo horey dil ugu geystay Marxuum Guuleed C/qaadi Muuse oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Waaxda ilaalinta Canshuuraha, wuxuuna Wasiirka ka digay dadka abuuraya arrimaha amniga ka soo horjeeda.

Sidoo kale Wasiirka Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abukar Islow (Ducaale) ayaa ka digay dadka abuuraya falalka ka soo horjeeda amniga.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo warbahinta la hadlay ayaa sheegay raggan in la horgeyn doono sharciga.



Taaj Expess