| | 284 views

Weerar ka dhacay California oo dad ay ku dhinteen

Weerar toogasho ah ayaa ka dhacay iskuul hoose oo ku yaalla California.

Ugu yaraan afar qof ayaa dhimtay, sidoo kalena ninkii hubeysnaa ayaa ku dhintay weerarka.

Ma cadda in wax caruur ah ay ka mid yihiin dadka weerarka ku dhintay. Dhawr qof oo ay ku jiraan laba caruur ah ayaa ku dhaawacmay toogashada oo ka dhacay deegaanka Tehama ee waqooyiga California.

Ninkan hubeysan, oo sitay qoriga daran-dooriga u dhaca iyo laba bistoolad oo kale ayaa la sheegay inuu rasaas ku furay dhowr goobood ilaa uu ka dilay laba askari oo booliska ka mid ah.

Maraykanka ayaa waxaa dhawaanahan ka dhacayay toogasho wadareed.

25 qof ayaa lagu dilay kaniisad ku taalla Texas horraantii bishan, 58 ruuxna waxaa lagu dilay bishi Octoobar goob lagu caweeyo oo ku taalla Les Vegas.



Taaj Expess