| | 406 views

Wafdi ka socda dowladda Shiinaha oo Muqdisho ka degay

Dowladda Shiinaha ayaa magaalada Muqdisho u dirtay wafdi uu hoggaaminayo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Mr. Qin Jian, iyagoona kulamo kala duwan la yeeshay madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo kulan la yeeshay wafdiga ayaa bartiisa xiriirka bulshada waxa uu ku faafiyay waxyaabihii uu kala hadlay wafdiga dowladda Shiinaha.

Kulanka ayuu sheegay Wasiir Yuusuf in looga hadlay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka soo jireenka ah ee u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha isla markaana xiriirka saaxibtinimo ee labada dowladood dhidibada loogu aasi lahaa.

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in wafdiga Dowladda Shiinaha ay ballanqaadeen taakuleyn, mashaariic horumarin, dib u dhiska dalka iyo arrimo kale.

Ambassador Mr. Qin Jian safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya ayaa dhinaciisa waxa uu ku ammaanay dowladda Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto sidii dalka dib loogu soo celin xasiloonida iyo kala dambeynta, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay u fidiyaan taageero kala duwan.



Taaj Expess