| | 759 views

Hay’adaha ammaanka oo soo bandhigay magacyada iyo muuqaalada raggii ka dambeeyay qaraxyadii 14-ka Oktoobar

Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay inay baahiyaan macluumaad la xariira weerarkii magaalada Muqdisho ka dhacay 14-kii Oktoobar kaasi oo geystay qasaare baaxad leh isla markaana ay ku geeriyoodeen in ka badan 300-ruux iyo tiro intaasi ka badan oo ku dhaawacmay.

Laba qarax oo ka kala dhacay isgoyska Zobe iyo wadada Buulo Xuubey oo wax yar u jirta isla isgoyska Zobe ayay sheegeen hay’adaha amniga inay ka dambeeyeen ilaa shan rag ah oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, iyadoo midkood uu ku geeriyooday gaariga xamuulka ah ee loo yaqaano TM-ka iskuna qarxiyay isgoyska Zobe.

Shaqsiyaadka loo qabtay falkii Qaraxa 14ka October ayaa kala ah:

1. Mukhtar Mohamud Hassan (Gardhuub) –
2. Abdiweli Ahmed Dirie (Abdiqani) oo ahaa madaxa qaraxyada Gobolka Benaadir, marka uu Gardhuub amarka ka yimaado
3. Hassan Aden Isaq, oo ahaa darawalkii gaariga Noha-da, ahaana isku xirihii weerarka 14ka Oct, inta uusan wareejin Noha baa la qabtay.
4. Ali Yusuf Wa’eys (Duale) oo ahaa shaqsigii loo diyaariyey inuu Noohada isku qarxiyo.
5. Abdullahi Abdi Warsame
Gaariga TM ka drawalka waday oo isku qarxiyey waa Maadey (Cismaan Xaaji).

Qaraxyadii Muqdisho ka dhacay 14-ka Oktoobar oo ay ka soo wareegatay muddo bil ah ayaa ahaa kuwii ugu cuslaa uguna qasaaraha badnaa ee ka dhacay dalka Soomaaliya iyo guud ahaan geeska Afrika, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay in dowladiisu dagaal ku qaadeyso ururka Al-Shabaab oo lagu eedeeyay inuu isaga ka dambeeyay falkaasi.



Taaj Expess