| | 296 views

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Mucaaradka dowladda (Dhageyso)

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreysay ka hadlay Xubnaha dowladiisa Mucaaradka ku ah.

Waxaa uu sheegay in dadkaasi ay doonayaan in ay dib u dhigaan dowladnimada Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in xubnaha dowladda kasoo horjeedda ay doonayaan in tafaha ku dhaggaan dowladda, taasina aan la aqbali doonin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku tilmaamay dadka mucaaradka ku ah dowladda in xilliggii Xasan Sheekh Maxamuud ay soo waceen ayna ka codsadeen in uu noqdo Mucaarad.

Dadka Shacabka ayuu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan dowladda,islamarkaana ay ka qeyb qaataan xaaladda dagaal ee dalka ku jiro.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa waxaa xoogeystay Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada kasoo horjeedda dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.



Taaj Expess