| | 415 views

Aabe ka go’an labada Lugood oo ku daruufaysan magaalada Muqdisho oo dalbanaya in la caawiyo+Sawiro

Cali Xuseen Kudan, waa Aabe dhalay 7-caruur ah, isla markaasina dagaaladii ku waayay labadiisa Lugood, iyadoo ay u sii dheer tahay inuusan haysan wax ka kaalmeeya qoyskiisa, mana ahan nin shaqeyn kara, xaalkiisa waa mid aad u liita.


Haddaba mar aanu wax ka waydiinay xaaladiisa noololeed ayuu sheegay mar haddii ay ka go’an yihiin labadiisa lugood ee uu ku socon lahaa ay ku adag tahay xaaladda qoyska uu aabaha u yahay, waxaa Bulshada Muslimiinta Caalamka laga codsanayaa inay soo gar gaaran ninkaan Curyaanka ah.
Aabahan dhalay 7-da caruurta ah, ayaa qoyskiisa waxay ku nool yihiin xaalad adag, bacdamaa aanu jirin aabe u shaqeeya, isla markaasina hooyada ilmaha aanay awood u lahayn inay iyadu shaqeyso, “Walaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan, waxaan ka codsanayaa inay igu soo eegaan il naxariis leh” ayuu yiri aabe Cali Xuseen Kudan oo deegaan ahaan degan Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.
Ka sokow curyaannimada soo wajahday Cali Xuseen Kudan, ayaa wuxuu sheegay inuu ka codsanayo Hay’adaha samafalka, shacabka Muslimiinta ah, ganacsatada, Jaaliyadaha Soomaalida ee dibadaha ku dhaqan iyo ruux kasta oo leh damiir bani’aaminimo inay la soo gaaraan gurmad samatabixin oo dhinac walba leh.
Dhanka kale qof kasta oo Alle SWT dartii u baxsaneysa sadaqo waxay la soo xiriiri karaan Telefoonka Nambarkiisu yahay +25261-6672001 ama +25261-5573321 oo laga helo Maxamuud Axmed Xasan Xuurshe.



Taaj Expess