| | 494 views

Dhaxal sugihii hore ee Boqortooyada Sucuudiga oo hantidiisa la xanibay

Mohammed bin Nayef dhaxal sugihii hore ee Sucuudiga ee Bishii June xilka laga xayuubiyey ayaa noqdey qofkii u danbeeyey ee dubbaha Maxamed Bin Salmaan ku dhaco, waxaana la xanibey dhamaan hantidiisa iyada oo la adeegsanayo hawlgalka cusub ee la dagaalanka musuqmaasqua.

Sida laga soo xiganayo wakaaladda wararka ee Reuters, xukuumadda Sucuudigu waxay xanibtey dhamaan Koontooyinka Mohammed bin Nayef iyo dhaq-dhaqaaqyadooda.

Hantida Mohammed bin Nayef ayaa la sheegaa in ay gaareyso 20 Bilyan oo dollar.

Hawlgalka cusub ee uu wado wiilka iska leh dhaxalka Boqortooyada Sucuudiga ahna Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed bin Salamaan ayaa loogu awod sheegtey dhamaan kuwa magaca, dhaqaalaha iyo aqoodda ku lahaa Sucuudiga ee isla qoyska reer Ala Sucuud, taas oo la aaminsan yahay in ay salka ku hayso tartanka awooda iyo isbeddelka uu wado Maxamed bin Salamaan.

Mohammed bin Nayef ayaa ahaa Wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha oo muddo dheer xilka soo hayey, aabihiis oo iska lahaa dhaxalka Boqortooyada ayaa geeriyoodey ka hor inta aanu geeriyoon Boqor Cabdalla bin Cabdicasiis, kadib waxaa dhaxal suge noqdey Boqorka hadda Boqor Salamaan, sanadkii 2015 ayuu walaalkiis ka yar ka xayuubiyey xilka dhaxal sugaha, waxaana uu u magacaaabey wiilka uua deerka u yahay eeMohammed bin Nayef, halka uu ku xigeen u magacaabey wiilkiisa Maxamed Salamaan, bishii Juun 2017 ayuu xilkii ka xayuubiyey Mohammed bin Nayef, waxaana uu u magacaabey wiilkiisa Maxamed, kaad o hadda leh awooda u saraysa ee dalkaas maadaama Boqorku yahay nin xanuunsan.



Taaj Expess