| | 450 views

Nin hubeysan oo dad fara badan ku dilay Mareykanka

Nin ku labisan dareyska kooxaha dab damiska isla markaana hubeysnaa ayaa weeraray kaniisad ku taala koonfurta magaalada Texas ee wadanka Mareykanka.

Ninka hubeysan ayaa dilay 27-qof oo uu ku jiro canug 2-sano jir ah, isagoo dhaawacay 24-qof kale kuwaasi oo dhammaantood ku sugnaa gudaha kaniisaddaas oo lagu magacaabo Baptist.

Falkaan oo dhacay shalay subax ayay sheegayaan ciidamada Ammaanka Mareykanka inay bilaabeen baaritaano la xiriira weerarka ka dhacay gobolka Texas.

Dhacdada lagu xasuuqay dadka rayidka ah ee iyagu ku sugnaa kaniisadda ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo saraakiisha hay’adaha ammaanka dalkaasi.

Ninkii ka dambeeyay weerarka oo halkaasi isaga baxsaday ayay sheegayaan wararka inay ku raad joogaan ciidamada ammaanka, wuxuuna weerarkani ku soo beegmayaa saddex maalin kaddib markii nin gaari xamuul watay uu jiirsiiyay dad wadada marayay, halkaasi oo ay ku geeriyoodeen 8-ruux iyo tiro intaasi ka badan oo dhaawac ka soo gaaray.



Taaj Expess