| | 319 views

Xuuthiyiinta oo sheegtay Duqeynta Madaarka Riyaad, Sacuudiga

Kooxda Shiicada ah ee Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegtay Gantaalkii ku dhacay xalay nawaaxiga King Khalid ee duleedka caasimada Riyaad.

Gantaalada difaaca ee ciidamada Cirka Sacuudiga ayaa gantaalo ku riday gantaalka laga soo riday dalka Yemen. Waa markii ugu horeysay oo ay Gantaalada Xuuthiyiinta soogaaraan bariga magaalada Riyaad.

Kooxda Xuuthiyiinta ayaa sheegay in weerarkan uu jawaab u yahay xasuuqa sacuudiga ka wado dalka Yemen. Maaha markii ugu horeysay oo ay Xuuthiyiinta gantaalo kusoo ridaan Sacuudiga, balse waa markii ugu horeysay oo ay duqeeyaan nawaaxiga xarunta Boqortooyada Sacuudiga.

Gantaalkada ayaa la sheegay in laga soo tuuray Gobalka Sacdaa ee waqooyiga dalka Yemen oo xaduud laleh Sacuudiga.

Xuuthiyiinta ayaa bilihii lasoo dhaafay dar dar geliyey duqeynta ay la beegsanayaan Sacuudiga si ay ugu cadaadiyaan dowladaasi inay wadahadal la yeelato xoogaga Xuuthiyiinta ee la dagaalamaya dowlada Yemen oo ay Sacuudiga taageeraan.



Taaj Expess