| | 453 views

Maamul gobaleedyada waxbaa si ka ah, (Qaraxyada Xamar oo 4.5 loo qaybsado iyo dowlada dhexe oo 3 biloodba gobal lagu jilo una martiso- iyo …)

Qaraxyada Xamar oo 4.5 loo qaybsado iyo dowlada dhexe oo 3 biloodba gobal lagu jilo una martiso- iyo ……

Gudoomiyayaasha masuulka ka ah maamul gobaleedyadu,culeys waa sidaan laakin farsamada loo qaado ama loo jiido ayaa ka maqan,( fiiri sawirka 1& 2aad) warna yeeli maayaan. Badankoodo hal magaalo ayeey xakumaan,shaati laba gobal ku qoran tahayna waa wataan.waana hubaal in Mustaqbalka mid kastaa uu laba garab noqondoono.

Howl heer qaran ah oo dowlada dhexe u gaar ah ayaa laga celcelinayaa,maaliyada , difaaca iyo arrimaha dibadda, kuwaa Safiira magacaabayo iyaga ayeey ceeb ku tahay, hadeey dowlada dhexe ka falalagoobaan, iyagana berri waxaa la arkaa in degmooyin ka falaagoobay ay heshiis caalamiya galaan,waana arrin ceeb ku ah qarannimada iyo dadnimada,in aad noqoto sida sheeydaankii xaabadii oow gurtay qaadi waayay, ee yiri: faash ha leey siiyo .markii la yiri : Maxaad ku sameeyneena yiri: Xaaba kale ayaan ku soo guranayaa. tii horuuba qaadi waayay guduumiye gobaladku ee tu kale siduu u qaadaa?.

Sidee lagaagala tashanaa talo Qaran,haddiba aad hore u soo magacaabatay kii kugu matalayay heer Qaran ee asaga lagala tashan lahaa. Dowladii aad kabi laheed laciifnimada miyaad ka faa’iideeysanee oo aad fal shrci daraa ayaad hor seedee intaad iyada xoojin laheed. Ma luuq luuq xun ayaad wax ka fiirinee adiga oo laguu baneeyay waddo waasac ah.( Fiiri sawirka 3aad).

Silsiladda qaran xoojinta, hal Gucun oo bolol ah oo federal la yiraa ayaa ku jira, asaga hala saxo oo haloo ekeeysiiyo federaalada aduunka ka jira, ama Gucun cusub halagu bedelo, sidaan somaliyu ku tixmi meeyso, xoogeedinu waa dhantaalmaa (fiiri sawirka 4aad).

Waxaa la yiri: wax kasta 4.5 aan ku qayb sanno (Fiiri sawirka 5aad), lama wada sinno ee soow la isku turimaayo oo walaalkaa wixii ka dhiman loogu dari maayo.

Waxaa imaan doonto xumaanta iyo Dhibka jira aan qaybsano. Maxaa loogu jawaabayaa haddii,K/Galbeed ay tiara haleeyla qaybsado amaan darida Sh/hoose,haddii Punt land tira Culeeyska iga heeysta Buurha Galgala ha leeyla wadaagu, Haddii Duqa magaalada Muqadishu uu yiraa : Ajandaha shirka halagu daro aan si siman u qaybsano kharajka Dhowlada dhexe ileeyn waa naga wada dhexeeysaahe, ama ha noqoto marti wareegta oo 3 bilba gobal ha soo joogto. Cid waliba waxa ay xaq u leedahay inta ay maalgashatay Dowlada dhexe ama kharajka uga baxo, saami u dhigma in uu codkeedu la ekaado, waa gar iyo qaanuun caalami ah, Hadduu Duqa Mogadishu yiraa: qaraxyada Xamar ku batay aan 4.5 u qaybsano, maxaa loogu jawaabaa?.

Jawaabta su’aalahan aan u dhaafno,cid kasta oo ka jawaabi karto, xatta ururka ay ku bahoobeen xaasaska madaxda maamul gobaleedyada iyo ururka xaasaska madaxda qaran.

Ajandaha shirka maa lagu daro, isla xisaabtan, ciidanka Itobiya inta ay hadda goballada ka joogaan meel ay xasiliyeen ma ku jirtaa?, Haddii maamul gobaleedyadu amxaaro hiil wada moodeen, dowladuna ma ku daysee? “dadkii berkaasaa in didee anna ki daramee miyaa”. Dowladu ma ka fekrtay wixii ay ciidamada AMISOM iyo Xooga dalku ka qaban waayeen Xamar Amxaaro ma ka qabanee?, koleey haddi Amxaaro Xamar timaad xeeydxeeydasho waa jiree ee xukuumadda iyo baarlamaanada maxaa uga qorsheeysan?.

Maamul gobaleedoow masuuliyadaada garo, xukuumad iyo baarlamaanoow xilkaaga garo, shacaboow doorkaaga garo. Waa iga talo qofna gooni wax ku keeni maayo ee yaan qaranka la kala jiidan ( fiiri sawirka 6aad).

FG.wixii qoraalkan aan ka qalday iga sax, waad ku mahadsan tahay arragtidaada.

Qore: Yahya Amir



Taaj Expess