| | 703 views

Maxaad ka taqaana Madax Xanuunka Goonjabka..?

Goonjabku waa nooc gaar ah oo kamid ah madax xanuunada. Bukaaanada la il daran Goonjabka waxa ay isku arkaan Madax xanuun kusoo laalaabto Dhowr sano.

 

Goonjabku waxa uu lagaar yahay qaabka uu qofku u dareemo madax xanuunka oo ah garaac ama xidid ku bood boodayo oo kale, waxaana lasocon karo sida badan: Lalabo/Dawaqmid ama aragga indhaha oo isbadal ku yimaado. Inkastoo Madax xanuunka goonjabku aad u daranyahay, hadane madax xanuunkastoo daran goonjab ma aha, mararka qaar xanuunka Goonjabku waa meel dhaxaad.

Goonjabku waxa uu Qofka ku bilowdaa Caruurnimadiisa ama Waqtiga Dhalinyaranimada. Dumarka ayuuna ku badanyahay Goon jabka, Dhacaano jirkooda ku badan ayaana loo aaneeyaa arintaas. Goonjabku waxa uu ku badan yahay Qoysaska Qaar.

Maxaa keena Goonjabka?

Inkastoo Cilmo baarisyo Dhowr ah laga sameeyay Xanuunkani, wali lama ogaan waxa Sida Dhabta ah u keena. Hasa yeeshe’e, madax xanuunka waxa uu la xeriiraa barar ku yimaada xididada dhiiga ee ku hareereysan maskaxda. Bararkaasi waxa uu cadaadis saaraa neerfaha madaxa.

Maxaa Calaamado ah oo lagu gartaa Goonjabka?

Astaanta u gaarka ah madax xanuunka goonjabka waa: Calaamado Digniin ah uu bukaanku dareemayo in madax xanuun ku bilaaban rabo. Waxaa kamid ah calaamadahaasi:

  • Daal, Baahi ama Xanaaq uu qofka dareemo madax xanuunka inta uusan qaban Kahor
  • Aragga oo caad saarmo, aragga oo go’go’a ama aragga oo sida sigsaag u sameysma waa calaamado muujinaayo in madax xanuunka goonjabka bilaaban rabo. Arintaan waxa ay socon kartaa 15-30daqiiqo. Maqalka, Dhadhanka iyo urinta aya bukaanada qaar hoos u dhaca inta uusan madax xanuunka qaban.
  • Madaxa oo hal dhinac ku garaacmo (mararka qaar waxa uu noqon karaa labada dhinac).
  • Madax xanuunka waxa la socon karo: Lalabo, matag ama cunno yari.
  • Howsha, iftiinka ama Qeylada waxa ay kasii dartaa madax xanuunka goonjabka, Sidaa darteed, Bukaanka qabo xanuunkaani waxa uu jecelyahay: Meel Qaboow, Mugdi ah oo hadane Buuq la’aan ah.
  • Madax xanuunka waxa uu qofka haayaa 4saacadood ilaa 12 saacadood (Waqtigaas kayar ama kabadan ayuu bukaanada qaar heyn karaa).
  • Marka Madax xanuunka Goonjabka sii baa’bayo waxa uu Bukaanka dareema Calaamad gaar ah:
  • Daal maalin ama 2maalin sii heynayo

FG: Bukaanada Dhamaantood ma wada yeeshaan calaamadaha digniinka ah ee kasoo horeeyo madax xanuunka iyo kuwa kadib maraba.

Maxaa kugu Kicin kara Madax Xanuunka Goonjabka?

Madax Xanuunka Goonjabka badanaa waa mid iskiisa iskaga Bilowda. Si kastaba ha ahaatee Bukaanada qaar waxa ku kicin karo Dhowr Sheey ama midkood:

  • Cunto: Cuntada oo laboobo ama Boobsiis loo cuno, saacadaha cuntada oo aan isku beegneyn, Cheese-ka(Cunto laga sameeyo caano, bur iyo wax yaabo kale), Shukulaatada, miraha dhanaanka ah sida: Canabka, liin bambeelmada IWM.
  • Sigaarka, Qiica, iftiinka kaaha ama falaaraha bixiyo, Telifeeshanka, Qeylada ama guuxa matoorada iyo Urka ama shiirka aadka u daran.
  • Walaaca, walwalka, niyadjabka, Xanaaqa, daalka IWM. Bukaanada qaar waqtiga nasashada ayu qabtaa madax xanuunka Goonjabka sida maalin kadib imtixaanka ama kulamo isdaba jog ah marka uu u dhamaado.
  • Daawooyinka qaar sida: qaar kamid ah daawooyinka hurdada iyo Daawooyinka ilmaha lagu kala fogeeyo.
  • Dhiiga caadada, waqtiga shaqada, marka hurdada qofka is gafto ama waqtiyadii uu seexan jiray soojeedo iyo haweenku marka ay caadada gooyaan.

FG: Marka uu xanuunka goonjabka ku qabto dib ugu laabo waxa aad ku sugneyd saacadihii ugu dambeeyay ee maalintaas iyo waxyaabaha aad cuntayba. Si’aad u ogaato waxa kugu kiciyo oo aad ugu fogaato.

Ilaa intee buu kuheyn karaa Goonjabka?

Goonjabku waxa uu qofka hayaa Saacado ama Maalmo yar. Bukaanada intooda badan waxa ay siku arkaan madax xanuun soo laalaabto dhowr jeer Bishiiba. Dadka qaar halmar oo kaliya ayaa laga yaaba in ay isku arkaan noolashooda oo idil halka dadka qaarna wax kabadan 3jeer uu qaban karo goonjabka usbuuciiba.

Sidee Looga Hortagaa Goonjabka?

  • Baro oo ka fagoow waxyaabaha kugu kiciyo Goonjabka.
  • Ka fogoow isticmaalka kafeega, Khamrada iyo Sigaarka.
  • Iska ilaali walwalka, Niyadjabka iyo fekirka badan.
  • Kafogow daawooyinka u daran goonjabka ee aan kor kusoo xusnay.
  • Ka fogow soojeedka badan iyo hurdada oo kaa carqaladowdo.
  • Safarka oo la iska yereeyo maadaama isbadalka cimilada ay kicin karaan goonjabka.
  • Ka fogoow xad dhaaf u isticmaalidda kaniiniyada xanuun baab’iyaasha ah.
  • Samee Jimicsi ama socod Joogta ah.

F/G.:Haddii aad ka fogaato waxyaabaha u daran ee kiciya goonjabka, wali waa uu ku qaban karaa mararka qaar.

Sidee Loo Daaweeya Goonjabka?

Daaweyntu waa Mid ku xeran Soo noqnoqoshada iyo heerka madax xanuun. Dadka Goonjabka kusoo kaco dhowr jeer sanadkiiba, waxa ku filan daawooyinka xanuun baabi’iyaasha ah ee Farmashyaasha lagu iibiyo Halka dadka Goonjabkoodu soo noqnoqdo biIlkaste ama usbuuc kaste ay u baahan doono in uu dhaqtar u tago daawooyinka lagu daaweeyo goonjabkane lasoo qoro.

Bukaanka marka uu dareemo calaamadihii digniinta ahaa ee aan kor kusoo xusnay, waxa uu qaadan karaa kaniiniyaal xanuun baabi’iyaal ah sida: Paracetamol, Aspirin, Ibuprofen, Caffeine ama Naproxen (marka uu raashiin cuno 30 daqiiqo kadib) Kaniiniyadaan in la isku darsado halmar aya ka fiican in mid mid loo isticmaalo. Tusale Aspirin+Paracetamol+Caffeine in bishiiba mar ama 2jeer laqaato marka calaamadiha isku arko bukaanka.

Haddi qofka sameeyo waxyaabaha loogaga hortago Goonjabka isla markaasna isticmaalo daawooyinkii xanuun baabi’yaasha ahaa, waline uusan wax kasoo reyn ah ka dareemin, waa in uu dhaqtar la xeriiro si’ loogu qoro daawooyin kale oo lasiiyo dadka goonjabka qabo.

Qofka Goonjabkiisu wato matag/dawaqmid wa in uu qaato daawooyinka matag joojinta loo isticmaalo.

Waa inaad dhaqtar laxeriirto Haddii:

  • Madax xanuunkaagu sii kordhaayo waqtiba waqtiga kadambeeyo
  • Goonjab kugu bilowdo da’daada oo 40 sano kaweyn.
  • Madax xanuunkaagu si dag dag ah hal mar u bilaabanaayo
  • Madax xanuunkaagu u daranyahay orodka ama jimicsiga, Jimaaca (Galmoodka), Qufaca ama Hindhisada.
  • Madax xanuunkaaga laxeriiro calaamado gaar ah sida: Miir beelid, Arraga oo sam noqdo, Socodka ama hadalka oo kugu adkaado.
  • Madax xanuunkaagu kadhashay Jug madaxa kaaga dhacday
  • Madax xanuunkaagu carqaladeeyo Noolal maalmeedkaaga
  • Madax xanuunkaagu joogto yahay.

Malaga Bogsadaa Goonjabka?

Bukaanada intooda badan xanuunka goonjabka waxa uu kusoo laalaabtaa sanooyin badan. Dadka qaar waxa ay bartaan waxa ku kiciya oo waa ay ka fogaadaan halka dadka qaarna ay laqabsadaan sida loomaareeyo.

Madax xanuunka goonjabka iskiisa ayuu u yaraadaa mar haddii uu qofka gaaro sanadaha 50meeyada ama 60meeyada. Nasiib xumo, dadka qaar kama haro xanuunkaani inta ay god kagalaan.

Waxaa qoray : Dr Ibrahim Abdi Keinan-Dr k9

 



Taaj Expess