| | 383 views

Xildhibaan Warfaa “Waxba Soo Kordhin Meyso Xil Ka Qaadistii Taliyeyaasha Nabad Sugida Iyo Booliska

Xoghayaha Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in waxba aysan soo kordhineynin xil ka qaadistii dhawaan lagu sameeyay taliyeyaasha Nabad Sugida iyo Booliska.

Waxaana uu tilmaamay in loo baahanyahay in wada shaqeyn dhab ah ay dhexmarto Laamaha Ammaanka iyo shacabka, si looga hortago wax kasto oo khatar ku ah ammaanka Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Xildhibaan Sadiiq Warfaa Xoghayaha Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahanyahay in isla xisaabtan dhab ah ay la yimaadaan madaxda dowladda federaalka, si cidkasto oo masuuliyad heyso loola xisaabtamo.

Waxaana uu mahadcelin ballaan u jeediyay ciidamada dowladda federaalka, uguna baaqay in ay sii xoojiyaan howlgallada lagu xaqiijiyanayo ammaanka iyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, si looga saaro guud ahaan dalka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay xil ka qaadis ku sameeyeen taliyihii Nabad Sugida C/laahi Maxamed Cali “Sanbaloolshe”  iyo Cabdixakiin Daahir Saciid “Saacid” oo ahaa taliyihii Booliska Soomaliyeed, kadib weeraradii qaraxyada ahaa ee dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.



Taaj Expess