| | 496 views

Rag Shabaab ah oo ku dhintay Miino ay ku aasayeen Wada isku xirta Degmooyinka Balcad iyo Afgooye

Wararka ka imaanaya Degmada Balcad ayaa sheegaya in deegaan qiyaastii 10-KM ujira degmada Balcad ee gobalka Shabeelaha Dhexe ay miino kula qaraxday rag Shabaab ah oo doonaayay inay Miino ku aasaan deegaanka Daniga oo ay marto wado isku xirta degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee Gobalada Shabeelooyinka.


Miinadaasi ay sida qaladka ah u dhigeen Al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay dhinteen ugu yaraan 4 qof oo ahaa raggii dhigayay Miinada sida ay sheegeen dadka ku dhaqan Deegaankaasi oo magacooda qariyay sababo ammaan.

Dhanka kale wararka qaar ayaa sheegaya in Shabaabka dhintay uu ku jiro Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab kaas oo qaabilsanaa dhinaca Minooyinka, iyadoo halkaasi meel aan sidaas uga fogayn ay miino kula qaraxday bartamihii bishan Bas ay saarnaayeen haween Beeralay ah, kuwaasi oo dhamaantood geeriyooday.



Taaj Expess