| | 313 views

Madaxweyne Farmaajo oo ugu hambalyeeyay Uhuru Kenyatta doorshada uu ku guulaystay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo mar labaad dib loogu doortay doorashadii ku celiska aheyd.

“Waxaan aniga oo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaan dowladda iyo shacabka Kenya ugu hambaliyeynayaa guusha dimuqraadiyadeed ee ay gaareen”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxwyene Farmaajo ayaa sheegay inuu kalsooni weyn ku qabo dib u doorashada Madaxweyne Kenyatta inay sii xoojineyso xiriirka wanaagsan ee haatan ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo ayaa horay Hambalyo ugu diray Madaxweynaha Kenya Markii uu ku guulaystay ka hor inta aan la shaacin doorashadda inay tahay ku celis.



Taaj Expess