| | 669 views

Dowladda Baxreyn oo si buuxda u sheegtay inay Soomaaliya ka taageerayso dagaalka Al-Shabaab

Dowladda Baxreyn ayaa shaaca qaaday in dowladda Soomaaliya ay ka taageeri doonto dagaalka lagu jiro dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan Gudaha Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Baxreyn Shaikh Khalid Bin Ahmed  ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii dowladda Soomaaliya looga caawin lahaa dagaalka ay kula jirto Argagixisadda Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay la kulmeyso caqabado badan oo ku saabsan dhanka Amniga, wuxuuna dowladdaha Caalamka ugu baaqay in ay taageeraan Soomaaliya.

“Waxaan Caddeynaa in Soomaaliya aan ka taageeri doono dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, waxaa naga go’an soo celinta Xasiloonida iyo Nabadeynta Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Dibadda Baxrayn.

Dhanka kale hadalka ka soo yeeray dowladda Baxreyn ayaa ku soo aadaya xilli dowladda Soomaaliya Weeraro iyo Qaraxyo ay kala kulmeyso Maleeshiyaadka Al-Shabaab

 



Taaj Expess