| | 338 views

Ciidamada Badda Giriiga oo Badbaadiyay Tahriibayaal Soomaali ah.

Ciidamada Ilaalada Badda ee Dalka Giriigga ayaa soo badbaadiyay Tahriibayaal ka soo jeeda Wadamo ay ku jirto Soomaaliya kuwaas oo doonayay in Dalalka kale ee Yurub inay uga sii gudbaan Dalka Giriiga.


Waxay Ciidamada Giriiga badbaadiyeen Ugu yaraan 71 qof oo Caruur iyo Dumar isugu jiray,kadib markii doon ay saarnaayeen kula qalibantay Biyaha Gairiiga.
Muhaajiriinta la soo badbaadiyay ayaa la sheegay in ay u dhasheyn Soomaaliya, Suuriya iyo Suudaan waxaana ku jira 20 caruur ah iyo 22 haween ah sida ay sheegeen Booliska Dalkaasi.
Ilaalada xuduudaha ayaa gargaar, cunto iyo biyo ugu deeqay dadka la badbaadiyey, iyadoo dhowr saacadood ka dib ay si nabadgelyo ah ugu degeen dekedda magaalada Chios waxaana lagu wareejiyey mas’uuliyiinta Giriigga.
Tan iyo bilawgii sanadkaan, ilaalada xuduudaha Romaaniya waxay badbaadiyeen, in ka badan 1,300 oo dad ah oo dhibaato ku haysta doomaha yaryar .
Dhanka kale Afayeen u hadlay Booliska ayaa sheegay in ay Xaalad aad u adag ku jireyn Dadkaan markii la soo badbaadinayay balse ay hada xaaladooda ka soo raaneyso.



Taaj Expess