| | 330 views

Ambalaasyo kala ujeedo ah…

Waxaan joognaa heer wanaagsan marka loo eego sidii dadka dhaawac ah loo daabuli jirey Magaalada Muqdisho oo martay xiliyo kala duwan. Waxaan u soo joogey marka laga reebo dad aad u yar oo Magaalada ku haystey Baabuur, Heerkii Gaari Gacanka oo kaalin lama ilaawaan ka qaatay daad guraynta dhaawacyadii Magaalada Muqdisho, kadibna waxaa bilowday Ambalasyo sida Aamin Ambalaas iyo Nation Ambalas, Nation meesha waa ka baxday markii baabuurtoodii ay qaraabeen oo ay datactir waayeen waxaana Magaalada sanadihii dambe caan ka ahayd Aamin Ambalaas.

Waxaa caado ahayd in haddii qof ku dhaawacmo Muqdisho ay qaadi jirtey Hay’adda Aamin Ambalaas si lacag la’aan ah, marka dhib ma jirin oo waxaad toos u aaadeysey Cusbataalka Madiina oo ay caado tahay in la geeyo dhaawacyada Muqdisho 90%. 10-ka kalena waxaa la gayn jirey Cusbataalka ugu dhow halka uu qaraxu ka dhaco.
Xaalku sidii waa iska bedeley oo Magaalada Muqdisho waxaa ku soo batay Cusbataalada leh Ambalaasyada gaarka loo leeyahay. Markii ay bateen Ambalaasyada Magaaladu waxaa dhibaato noqotay halka la geynayo dhaawaca aad Ehelada ahaydeen oo aad maqashay inuu ku dhaawacmay Qarax ka dhacay Xamar.

Ogsoonoow Ambalaasyadu waa kala ujeedo oo Ambakaas walba waxay Bukaanka ay qaado gayneysaa Cusbataalka laga leeyahay iyadoo lagu soo dalcayo bukaanka Qarashka lagu soo qaaday dawayntiisa ka sokow.

Gabar ayaa I soo wacday maalin maalmaha ka mid ah waxay I tiri, sxb Qaraxii saaka waxaa ku dhaawacmay Habaryartey, waxaan jpogaa Cusbataalka Madiina mana hayo, waxaan iri si fiican uga raadi ma garanayo meel kale oo dhaawac marka ugu horaysa la geeyo, wixii la raadiyaba waxaa Islaantii dhaawaca ahayd laga heley 5-tii galabnimo iyadoo jiifta Cusbataaal kale kuna taagan tahay 300 oo doolar iyadoon loo qaban wax la taaban karo oo waaba suuxsan tahay.

Tusale fiican. Galab casarkii Qarax la fashilyey ayaa ka dhacay Agagaarka Hotel Mubaarak, waxaan fadhiyey iridda hore ee daarta Tre-Piano oo aan ka fogayn halka qaraxu ka dhacay, laamiga ayaan soo istaagney markaan Qaraxa maqalnay, daqiiqado kadib waxaan arkay shan Ambalaas oo ay ku qoran yihiin Magacyada Cusbataalo kala duwan oo ku yaala Magaalada Muqdisho, waxaan markiiba soo xasuustay gabadha aan kor ku soo xusay ee Habaryarteed oo dhaawac ah heshay qiyaastii Lix sac ka dib.

Ma doonayo in aan sheego Magacyada Cusbatalada leh Ambalasyada oo hadana dhaawacyada gaysta Cusbtaaladooda, si waa u horumar oo waxay la tacaalayaan dhaawac ruux soomaaliyeed lacagtay doontaanba ha qaateen, laakiin si waa dhibaato, waa tan koowaade dadkii ma garanayaan halka la geeyey dhaawacooda, waa tan labaade dadkii ma kala saarayaan oo waxa jira dad badan oo aan xitaa awoodin Qutul Yoomka maalintii marka hadaad kusoo dalacdo qaaditaankiisii waa dhibaato kale.

Marka maxaa nala gudboon haddii aan nahay shacabkii Magaalada Muqdisho? Maxaase la gudboon Wasaarada Caafimaadka oo masuul ka ah Caafimaadka dalka?
Aniga waxaan ku talin lahaa marka qarax dhaco dhaawacyada hala wada qaado laakiin hala geeyo hal goob oo la isla ogyahay sida Cusbataalada Madiina iyo Digfeer, markaas kadib qof walba Cusbataalkii uu door bidayo ha gaysto dhaawaca Eheladiisa, waxaana ku dhawaaqista amarkaas iiga wanaagsan iney ku dhawaaqdo Wasaarada Caafimaadka haddii kale waxay noqonaysaa ha la is daba dhaboolaqo oo dhibaatadu waa ay sii soconaysaa. .
Xigasho: CNaasir Iidle



Taaj Expess