| | 2,250 views

Daawo: Askari Amisom “Gabdhaha Soomaaliya waxay dhaqan u leeyihiin in wacal walaalkood ka dhalo….”

Dokumentari laga soo saaray telelfishinka dalka Sweden oo la magac baxay Mogadishu Soldier ayaa ciidamamada Amisom ee jooga dalka Soomaaliya oo wareysi laga qaaday mid ka mid ciidamada Amisom waxyaabii uu sheegay oo soomaali badan ka careysiisay markii ay daawadeen barnaamijkaas.

Barnaamijkaas Waxaa lagu bahdilaayey dhaqanka  suuban ee ummadda soomaalida ay leedahay, mid ka mid ah  Ciidamada Amisom ee joogto Soomalida wuxuu gabdhaha soomaaliyeed ku tilmaameen in ay dhaqan u leeyihiin waxyaabo aan waligeed ka dhicin Soomaaliya ama aan lagu maqal inay ay dhaqan ay u leeyihiin Soomaalida.

Sida lagu soo bandhigay dokumentigaas waxyaabihii uu sheegay Ciidamada Amisom Waxaa ka mid ahaa sidatan.

“Soomaalidu waxa ay leeyihiin Dhaqan ah in Gabadha Marka ay Gaarto 20 Sanno haddii aan la guursan Wiilka la dhashay Gabadha ayaa Caruur ka dhala, dhaxal galka Caruurtaasina waa Kuwa is qarxiya. ”

Amisom waxay sameeyeen Ceebtii ugu xumayd ka dib markii ay Film ay sameeyeen ku soo bandhigeen Dhaqan xumo.iyo meel ka dhac Shacabka Soomaaliyeed ay u gaysteen.

AFLAGAADDO QARAN OO AMISOM U GEEYSATAY UMMADDA SOOMAALIYEED!
Dowladda Soomaaliya waxaan ka codsaneynaa in ay tallaabo ka qaaddo askartan AMISOM, dalkana looga saaro si deg deg ah.

Aflagaaddadan waa heer qaran, waa Aflagaaddo ummadda Soomaaliyeèd loo geystay, waa mid ay tahay in Madaxda ay si toos ah uga dhiidhiyaan haddii kale waxaa dhici doona kacdoon shacab oo AMISOM ka dhan ah.

Youtube :

Via: SVT Swedish Tv
Link Hoose waxaan Daawan kara oo kaliyah dadka ku Nool Sweden .
https://www.svtplay.se/video/15610992/mogadishu-soldier/dox-mogadishu-soldier-avsnitt-1



Taaj Expess