| | 335 views

Arsenal oo guul ka gaartay Kooxda Swansea City oo marti + SAWIRRO

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa guul soo labaasho ah ka gaartay Swansea City oo marti u ahayd kulan uu wacdaro dhigay difaaca Gunners ee Sead Kolasinac.
Arsenal ayaa goolka koowaad looga naxsaday daqiiqaddii 22-aad, waxaana kooxda Swansea City u dhaliyey Sam Clucas, kaddib caawin uu ka halay Tammy Abraham, kaasoo kulanka ka dhigay 1-0 looga gacan sarreeyey Gunners.
Kooxda tababare Arsene Wenger ee Gunners ayaa ku guuldarreysatay in ay goolkaas iska soo guddo qeybta hore ee ciyaarta, waxaana lagu kala nastay 1-0 ay ku gacan sarreysay Swansea City.
Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay 51’daqiiqo waxaa goolka barbaraha u dhaliyey Sead Kolasinac, waxaana ay ahayd kubbad uu u laaday si xoog leh, kulankana waxa uu ka dhigay barbaro 1-1.

Arsenal ayaa keensatay goolka labaad waxaana 58’daqiiqo kubbad uu bannaanka soo dhigay xiddigii goolka hore u dhaliyey Gunners si dhib yar u dhaliyey Aaron Ramsey, kulanka ayaana dhanka kale isku rogay iyadoo ay Gunners hoggaanka ciyaarta ku qabatay 2-1.

Dhanka kale Kulankan oo ahaa mid qaboobaa oo aan xitaa hal kaar oo digniin ah la bixin ayaa waqtigii loogu talo galay ku soo dhammaaday 2-1 ay ku badisay Arsenal oo marti loogu ahaa garoonkeeda Emirates.



Taaj Expess