| | 247 views

Tallaal cusub oo Tifowga loogu tala galay

Talaal cusub oo ka hortagi kara 9 ka mid ah 10 kiis oo ka mid ah xumadda Tifowga ayaa waxaa ku taliyey in la qaato hay’adda caafimaadka adduunka.

Khubaradu waxay sheegayaan in saamayn xoog leh uu ku yeelan doono 22 milyan oo kiis, iyo 220,000 oo ah geeri uu Tifowgu keeno sannad kasta.

Carruurta oo khatar weyn ugu jira xanuunkan ayuu talaalku waxtar weyn u leeyahay marka la barbar dhigo tallaalladii ka horreeyey.

Waxaa la filayaa ugu dambaynta inuu dalalka gacan ka siiyo sidii loo cirib tiri lahaa Tifowga.

Xanuunkan oo bakteeriya ay keento waxaa lagu gartaa.

  • Xumad dheer
  • Madax-xanuun
  • Lallabbo
  • Qofka oo aysan baahi qaban
  • Caloosha oo fariisata

Bakteeriyada ayaa ah mid aad ugu fidda cunnada iyo biyaha wasakhaysan. Xanuunkan wuxuu aad uga jiraa dalalka caafimaadkoodu uu liito ama aan lahayn biyo nadiif ah oo la cabo, gaar ahaan kuwa ku yaalla koofurta Asia iyo dalalka ka hooseeya saxaaraha Afrika.

Laba nooc oo ah tallaalka Tifowga ayaa hore loo ansixiyey si ay gacan uga gaystaan in cudurka lagu daweeyo, waxaanse loo ogolayn in la siiyo carruurta ka yar 2 sano.

Go’aanka ah in WHO ay ku taliso tallaalkan Tifowga ayaa waxaa gaaray koox khubaro ah oo WHO la Talisa oo la yiraahdo Sage.

Prof Alejandro Cravioto oo guddoomiye u ah Sage ayaa yiri “waxay ila tahay in markii ugu horraysay aan helnay tallaal waxtar leh”. Sage waxay ku taliyeen in tallaalka la siiyo carruurta lixda bilood jirta.

Prof Cravioto wuxuu sheegay in tallaalka uu muhiim u yahay dunida si looga gudbo caqabadda ah in bakteeriyada ay adkaysi u yeelato dawada.

Xog ka soo baxday tijaabo tallaalkan lagu sameeyey oo ay samaysay jaamacadda Oxford ayaa bishii hore lagu qoray the Lancet medical journal.

Tallaalka waxaa lagu tijaabiyey 112 qof oo si ula kac ah loo qabadsiiyey bakteeriyada. Natiijada ayaa noqotay in tallaalku uu shaqeeyey 87%.

Gavi oo ah hay’ad talaalka u iibisa 68 dal oo dhaqaalahoodu isugu jiro mid hooseeya iyo kuwo meel dhexaadka ah, ayaa iminka ka baaraan degaysa inay qorshaha ku darsato tallaalka Tifowga.

Dr Seth Berkley oo madax u ah Gavi ayaa yiri “kaliya ma aha inuu tallaalkan nolol badbaadinayo, ee wuxuu caddayn doonaa inuu yahay hub muhiim ah oo lagula dagaallamo bakteeriyada dawada adkaysiga u leh”

Dawada anti biyootigga ka hor, bakteeriyadu waxay dishay mid ka mid ah shanti qof ee ay ku dhacday.



Taaj Expess