| | 528 views

Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo oo ku guulaystay laacibka FIFA ee sanadkan 2017+Sawiro

Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa ku guulaystay biladda FIFA ee laacibka ugu wanaagsan caalamka ee sanadkaan 2017-ka.
Waa sanadkii labaad oo xiriir ah ayuu ciyaaryahankan biladdaasi ku guulaystay, iyadoo xafladaasi lagu bixinayay abaalmarinada ayaa ka dhacday magaalada London.
Weerraryahanka kooxda Real Madrid iyo xulka Portugal ayaa ka adkaaday labadii ciyaaryahan ee la tartamaysay ee Lionel Messi oo Barcelona u dheela iyo Neymar oo u safta kooxda Paris St-Germain.
Ronaldo oo 32-jir ah, ayaa xilli ciyaareedkii hore ka caawiyay kooxda Real Madrid inay ku guulaysato Koobka Horyaallada Yurub iyo La Liga-ha Spain.
Lieke Martens oo ka tirsan kooxda Barcelona una dheesha xulka Netherlands ayaa ku guulaysatay haweeneyda ugu wanaagsan kubadda cagta ee sanadkan.
Tababaraha kooxda Real Madrid, Zinedine Zidane, waxa uu isna ku guulaystay biladda tababaraha ugu wanaagsan ciyaaraha kubadda cagta ee ragga, halka tababaraha xulka kubadda cagta haweenka ee Netherlands, Sarina Wiegman, ay noqotay tababaraha ugu wanaagsan ciyaaraha dumarka.
Dhanka kale Weerraryahanka kooxda Arsenal, Olivier Giroud, ayaa ku guulaystay biladda Puskas ee goolkii ugu wanaagsanaa sanadkan, kaas oo bishii Janaayo uu ciribta kaga dhaliyay kooxda Crystal Palace.

FIFA ‘THE BEST AWARDS’: FULL LIST OF NOMINATIONS
Men’s Player
Cristiano Ronaldo (POR / Real Madrid)
Lionel Messi (ARG – Barcelona)
Neymar (BRA – Barcelona/Paris Saint-Germain)
Women’s Player
Deyna Castellanos (VEN – Santa Clarita Blue Heat/Florida State Seminoles)
Carli Lloyd (USA – Houston Dash/Manchester City Women)
Lieke Martens (NED – Barcelona Femeni)
Men’s Coach
Massimiliano Allegri (ITA – Juventus)
Antonio Conte (ITA – Chelsea)
Zinedine Zidane (FRA – Real Madrid)
Women’s Coach
Nils Nielsen (DEN – Danish national team)
Gerard Precheur (FRA – Olympique Lyonnais Feminin)
Sarina Wiegman (NED – Netherlands national team)
Goalkeeper
Gianluigi Buffon (ITA – Juventus)
Keylor Navas (CRC – Real Madrid)
Manuel Neuer (GER – FC Bayern Munich)
Puskas Award
Kevin-Prince Boateng (Las Palmas)
Alejandro Camargo (Universidad de Concepcion)
Deyna Castellanos (Venezuela U-17)
Moussa Dembele (Celtic)
Olivier Giroud (Arsenal)
Aviles Hurtado (Tijuana Xolos)
Mario Mandzukic (Juventus)
Oscarine Masuluke (Baroka FC)
Nemanja Matic (Chelsea)
Jordi Mboula (FC Barcelona U-19)
Fan Award
Borussia Dortmund supporters
Celtic supporters
FC Copenhagen supporters



Taaj Expess