| | 450 views

Shir Sanadeedka Xiriirka Soomaaliyeed Ciyaaraha Fudud Oo Muqdisho Lagu Qabtey +Sawirro

Waxaa Magaalada Muqdisho lagu qabtey Shir Labo-Sanadeedka Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud kaasi oo lagu casuumay Marti sharaf ka kala socotay wasaaradda Ciyaaraha, Guddiga Olombikada madaxda Xiriirada,Kooxaha Hoos taga Xiriirka,Ururada bulshada iyo Ciyaartoy qeybaha kala duwan Sportiga Magac ku lahayd.

Ugu horeyntii waxaa halkaasi Faah faahin ku saabsan Shir-Labbo sanadeedka iyo wax qabadka xiriirka mudadii Labada sanno ahayd ee lasoo dhaafay ka jeedisey Gudoomiyaha XSCF Marwo Khadiijo Aaden Daahir  oo sidoo kale si weeyn ugu mahadcelisey dhamaan Xubnaha Xiriirka iyo Kooxaha u diiwaan gahan Howshii adkeyd ee mudada Labada sanno ee lasoo dhaafay u qabteen Bulshada Ciyaaraha Jecel, iyagoo dhowr Dal oo caalamka ah Geeyey Calanka Soomaliya iyadoo kula Dardaarantey iney ka sugeysa iney sii laba jibaaran wada shaqeyntii iyo gacantii ay ka geeysanayeen Horumarinta Xiriirka Ciyaaraha fudud ee dalka.

 

Waxaana halkaasi lagu daawaday waxqabadkii,Xiriirka oo Ducumentary ahaa oo ay kamid ahaayeen ka qeybgalka Shirar caalamiya,qabashada Seminaaro iyo tababaro,ka qeybgalka Ciyaaro dalka dibadiisa ka dhacay iyo ka qeybgalka Congresskii Xiriirka ciyaaraha fudud aduunka ee IAAF ee London ka dhacay.

 

C/Qaaadir Ibraahim Gacal (Abkoow) oo horey u ahaa Madaxii GOS ayaa ka sheekeeyey taariikhda Xiriirka Ciyaraha Fudud oo uu sheegay inuu yahay Aabaha Xiriirada guud ee dalka kajira, loona Baahan yahay in sanadka soo socda markii ugu horeeysay la qabto oo dib loo xusuusto Tartankii Marathonka ee laga soo Ordi Jirey Halka Lagu Magacaabo DOONKA oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Xaaji Maxamed Axmed Colow oo ah Xubin GOS qaabilsana arimaha xiriirada ayaa si weyn ugu hambalyeeyay dadaalka xiriirka Ciyaaraha fudud iyo Hogaankooda Khadiijo Aaden Daahir isagoo kula dar-daarmey iney xoojiyaan Ciyaaraha fudud ee dalka.

 

Ugu danbeyntii Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha  Axmed Cumar Islow ayaa isaguna balan qaaday in wasaaradda ay dhiirigelin doonto dhamaan xiriirada dalka gaar ahaan Ciyaaraha fudud oo sanadihii ugu danbeeyey masraxyada caalamka kasoo muuqanayey isagoo si gaar ah ugu amaaney ka qeybgalkii Tartankii aduunka ee London lagu qabtey, iyadoo sidoo  kale halkaasi Tacsi looga Direy Dadkii tirada badnaa ee ku Geeriyoodey Qaraxii Sabtidii ka dhacay Isgoyska Zope oo Dadka ku dhintey ay kujireen Ciyaaryahano katirsanaa kooxaha kubadda cagta ee dalka.

KJKJüh

W/D: Cabdul Xafiid C/Samad Zaciimka

 E-Mail: Zaciimka02@hotmail.com

 



Taaj Expess