| | 272 views

Haddii Hashu ahayd calaamadii xuriyadda loogu heesi jiray 60-maadkii, hadda maxaa dan ah?.

Sannadihii 60-aad-kii waxaan ku heesi jirnay “Geel iyo lo’ baan leenihiyo Gaabanoow arriye. Waxaa kale oo aan ku heesi jirnay “ Aan maalno hasheena Maandeeqe”.maxaa xigay?.


Hashii Maandeeq inta la dabray ayaa geed lagu qabiray. Hadda Sacii ayaa candhadiisii waxaa ku shamuumay Diasporada qaarkood, Ganacsato, Maamul gobaleed, iyo Dalal danleey ah, shacbkiina waxaa u haray saaladii Saca, waxa xigi doona in Rida cagaarka daaqee saacado gudahood lagu kala baxo.
Haddii Hashu ay ahayd calaamadii xuriyadda loogu heesi jiray 60-maadkii,hadda maxaa dan ah?. War weli fursad ayaa jirta ee intaan Rida la aadin, Saca ka fuqa, Hasha geedka ka fura, aan fekerno inta noo hartay aan badbaadino, si jiilka dambe ay u helaan caano markay dhashaan lagu anqariyo, markay sakaraadayaana lagu jeenaniyo,inta u dhaxeeysana ay cabaan, maxaa u harayo haddii annagu wixiiba aan wada fuuqsano, war ceyrta inta aan Alle na badin aan baxno.
Maxaad ku talin lahayd?.
FG: wixii aan ku qalday ka sax, arragtidaadu waa muhim.
Qore: Yahya Amir.



Taaj Expess