| | 237 views

Cape Guardafui muxuu yahay?

Waxaa jira meela badan oo dhulka guudkiisa ah oo loo aqoonsaday Dhaxalka Baniaadamka, taariikh heer caalami ah (World Heritage),Haya’dda UNISCO ayaana u xilsaaran ka warqabka iyo xafidaada goobahaa,oo kala ah kuwa dabeeciya iyo kuwa biniaadamku dhisay.
Wadama reer galbeed ah ayaa soo jeediyeen in Gardafuuy lagu daro, “historical monument” laakin annaga oo xubin ka ah UNESCO ayaa doorkeenii maqan yahay,dhaliil igama ahan waxaanse u soo jeedinayaa wasaarada Hiddaha & tacliinta sare inay arrintaa iyo kuwa kaleba daba gasho.
Wadama badan oo Afrika ah ayaa gooba dalalkooda ku yaal hore loo aqoonsaday waxaana ka mid ah: Algeria, Botswana, Egypt, Eritrea, Libya, Madagascar, Morocco, Senegal, South Africa, Tanzania,Tunisia iyo Ethiopia oo in ka badan 10 goobood loo aqoonsaday, Shiinaha in ka badan 50 goobood oo isagu jira dabeeci iyo kuwa dadku sameeyay ayaa loo aqoondasay, wadama kale oo badana waa loo aqoonsaday, waxayna uga faa’iidaan in la xafido iyo in dalxiis loo tago.
Cape Guardafui muxuu yahay?
Geeska gardafuuy waxaa kale oo loo yaqaan Ras Caseyr, Francesco Crispi , Cape elephant, laakiin 2000 sanno ka hor Girrigu waxa ay u yaqaaneen Aromata promontorium.
Magaca Gardafuuy waxaa loo bixiyay casiriyadii dhexe oo badmareena u badnaa faransiis oo ka yimid badda Mediterranean oo ogaa khatarta marinkaasu leeyahay .waa laba kalmadooda oo kala ah Guarda iyo Fui oo macnaheedu yahay Fiiri ee ka carar “look and escape”. Maraakiib badan ayaa ku xumaan jiray ama ku dhici jiray geeska fiiqan ee dhagax xeebeedka,maraakiibtaa iyo dadka la socdana rag iyo dumar dib looma arki jirin oo xeebaleeyad somalida ayaa milkiyad ahaa u qaadan jiray.


Muddo dambe qornigii 19aad ayaa Ingriiska oo khatartaa dareensan waxa uu heshiis la galay madaxdii deegaanka,in ay badbaadiyaan markabkii halkaa ku qarqma odayaashana la siiyo lacag sannadkiiba,heshiika kama fulin dhinaca ingiriiska markii uu ka shakiyay in uu jiro heshiis kale oo lala galay dowlad reer galbeed ah.
Waxa jiray heshiis kale oo lala galay nin faransiis ahaa oo Cadan Hotela ku lahaa in uu ka dhiso masawac kharajkana ay bixiso shirkadada Marseilles, heshiiskaasina ma hirgalin.
Ingriiska ayaa ugu dambeey ogolaaday in Talyaaniga loo daayo deegaankaa sannadkii 1894. Shan sanno kadib Talyaanigu waxa uu bilaabay daraasad la xiriirta siddii halkaa looga dhisi lahaa munaarad ifeeysa oo maraakiibtu ay bidhaansadaan si ay uga fogaadaan khatarta dhagax badeedka iyo somalida xeebaha degan, Ugu dambeeyn waxaa dhismihii la bilaabay 1904 kharajkana waxaa lagu heshiiyay in ay bixiyaan quwadaha marin biyoodkaa isticmaala laakin in griisku waa diiday in uu wax ka bixiyo asaga oo ka shakisnaa in Talyaanigu halkaa uu ka sameeyo deegaan la tartamaya Cadan.
Bilawga Sannadkii 1920 ayuu talyaanigu fuliyay qorshahiisii, ugu dambeeyna waxaa la furay bishii April 1924, waxa ayna ugu magac dareen ninkii dhisay Mr. Francesco Crispi Lighthouse, waxa uu ka dhisay meel joogeedu sareeyo iyo wireless station xarnta laga hago maraakiibta badda maree meel u dhaweed tuuladii Tooxan.waxa ay aheed munaarad aad u dheer, aad u ifeeysay, aadna u qurxan.
Dad diidanaa joogitaanka talyaaniga ayaa dhow jeer soo weeraray xarunta sida weeraradii dhacay November 1925 iyo January 1926.waxaana burbur soo gaaray munaaradii,Talyaanigu waxa uu bilaabay in uu dib ugu dhiso dhagxaan ka adag kuwii hore waxa uuna dhismahaa cusubi dhamaaday 1930.iyada oo loo ekeeysiiya calaamadii fashiistaha ee tayaaniga “Fascio littorio”.
Masawacaa,Hadda looma isticmaalo in uu hago maraakiibata welise waa muuqataa calaamadii Faashka ( misaarta) uu ekeed ee Benito Mussolini kaligii taliyihii talyaaniga.
Maxaa diidaya in meela badan oo ay ka mid tahay Cape guarda fui , godadka buur haybe, buuraha dabeeciga ah ee Zayla, iyo meela kale oo badanba aan codsano in loo aqoonsado (World Heritage),si ay noogu badbaadaan,una noqdaan gooba taariikhi ah, gooba loo yimaad cilmi baaris iyo dalxiis, marka horese anagu maan sameeyno “Somali Heritage” oo dhaxal u noqota jiilasha dambe.
FG: Marxaladaha adag ee uu dalku marayo yeeyna kaa quusin in aad ilaahato goobaha faraha badan ee taariikhiga ah ee dalka ku firarsan. wixii aan ka khalday waad ka sixi kartaa,wixii aan ka tagayna waad ku dari kartaa.
Qore: Yahya Amir



Taaj Expess