| | 297 views

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka & Madax kormeertay ciidamo ku sugan deegaanka Bariire.(Sawirro).

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka ayaa kormeeray ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanka Bariire ee Gobolka Sh/Hoose, iyadoo ujeedka Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Axmed Jimcaale lagu sheegay dhiirigelinta Ciidamada iyo u kuur gelidda xaaladda ay ku sugan yihiin ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan deegankaasi oo ay dhawaan kale wareegeen maleyshiyaadka Al-Shabaab.
S/Gaas Maxamed Axmed Jimcaale ayaa waxaa kormeerkiisa ku wahlinaayeen Madaxda Hooganada Saadka iyo Wardoonka ee cidanka Xoogga Dalka, waxayna howlo kormeer ah ay ku tageen xerooyinka cidmada Xoogga dalka ay ku leeyihiin degaanka Bariire, waxayna warbixinno ka dhageysteen saraakiisha ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan deegankaasi.
Gen.C/laahi Cali Canood Abaanduulaha ciidanka Xoogga Dalka oo malmahaan ku suganaa deeganka Bariire ayaa taliyaha iyo wafdigii la socday uga warbixiyay guud ahaan xaaladda deegaanka, isagoo sheegay inay sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Taliyaha Cidanka Xoogga Dalka oo la hadlayay cutubyo ka tirsan ciidamada ayaa sheegay in Dowladda ay xoogga saari doonto xaquuqsiinta ciidamada iyo agoonta ay ka tageen, isagoo ku wareejiyay lacago dhiiri gelin ah oo loogu talagalay ciidamada.
Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheeg iney sii soco doonan howlgallada guud ahaan dalka looga ciribtirayo maleeshiyaadka Al-Shaabab, waxaana uu shacabka ka codsaday inay taageeraan ciidamada Dowladda.



Taaj Expess