| | 332 views

Shabeelkii warshadda Suzuki albaabada u laabay oo la qabtay

Saraakiisha xannaanada duurjoogta ee dalka Hindiya ayaa qabtay shabeel shirkad baabuurta samaysa dhex galay, ka dibna halkaas ku jiray in kabadan 36 saac.

Qolyaha samata bixinta ayaa baadigoob baaxad leh ka sameeyay shirkadda Maruti Suzuki oo ku taalla magaalada Manesar, oo aan sidaa uga fogayn magaalada caasimadda ah ee Dalhi.

Shabeelka ayaa subaxnimadii khamiistii laga arkay kaameerada CCTV, marar kalena waa la arkay.

Shaqaalihii habeenka shaqaynayay ayaa laga daad gureeyay dhismaha, qayb ka mid ah shirkaddana albaabada ayaa loo laabay.

Warshadaas gawaarida lagu sameeyo ayaa ah midda ugu wayn, ku dhawaad hal milyan oo gaari ayayna soo saartaa sannad kaste.

Markii ay subixii yimaadeen kumannaan shaqaale ah, waxaa lagu qasbay in ay bannaanka joogaan ayna sugaan intii ay ka imanayeen 12 ruux oo ka mid ah shaqaalaha kaymaha iyo 50 booliis ah, si ay baadigoobka uga qaybqaataan.

Markii dambe waxaa lagu arkay qaybta matoorada oo afar aykar ku fadhida.

Wariye deegaanka ah oo halkaas ku sugan ayaa BBC-da u sheegay in shaqaalaha gurmadku ay soo iibiyeen labo neef oo adhi ah iyo hilib caydhiin si ay bannaanku ugu soo saaraan oo uu uga soo baxo meesha uu isku qarinayay.

Masuuliyiintu waxay BBC-da u xaqiijiyeen in aan waxyeelo loogaysanin markii la helay meesha uu ku sugan yahay sidaasna lagu qabtay.

Waxay intaas ku dareen in ay isbitaal geeyeen si xaaladdiisa caafimaad loo xaqiijiyo ayna kaymaha ku sii dayn doonaan.



Taaj Expess