| | 399 views

Shirka Dowlad Goboleedyada Soomaaliya oo caawa si rasmi ah uga furmay Kismaayo (Sawiro)

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo oo ah xarunta maamulka Jubbaland ayaa waxaa caawa si rasmi ah uga furmay shirka Maamul goboleedyada, iyadoo shirkaasi qaban qaabidiisa ay socotay maalmihii la soo dhaafay.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shirka ka furay halka uu ka dhacayo Guriga Martida ee Jubbaland., waxaana goob joog ka ah Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas), kan koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo kan Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) iyo xubno kale oo ka socda maamul goboleedyada.
Shirkan ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu saarayaa arrinta la xiriirta khilaafka Khaliijka oo saameyn ku yeelatay xiriirka ka dhaxeeya Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.
Waxaa si aad ah loo adkeeyay ammaanka magaalada Kismaayo gaar ahaan goobta uu shirka ka furmay, waxaana wadooyinka waa weyn ee Kismayo gaaf wareegaya Ciidamo dheeeraad ah oo aad si aad ah u hubeysan.
Dhanka kale shirkan ka furmay caawa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka war sugaysa waxa ka soo baxa.



Taaj Expess