| | 283 views

Awood Gantaalada uu Mareykanka ka iibinayo Sacuudiga

Xukuumadda Washington ayaa ansixisay in dowlada Sacuudiga laga iibiyo Gantaalada loo yaqaaano THAAD si ay u sii xoojiso nidaamka difaaca dalkeeda.

Wasaarada arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in heshiiskani oo ku kacaya 15 bilyan oo doolar uu yahay mid ay ku jirto danaha Maraykanka ee dhanka ammanka iyo siyaasada arrimaha dibadda.

Waaxda arrimaha dibadda ee mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in ay xoojin doonaan ammaanka Sacuudiga iyo dalalka kale ee gacanka xilli ay sii kordhayso khatarta ka imaanaysa Iiraan.

Wakaalada iskaashiga ammaanka u qaabilsan Pentagon-ka ayaa sheegtay in hubkani ay ka iibinayso Sacuudiga uusan wax ka badali doonin isu dheelitirnaanta Militari ee gobolka.

Warkani ayaa ku soo beegmaya maalin uun ka dib markii Sacuudi Carabiya ay Ruushka kula heshiisay in ay ka iibsato gantaalada difaaca hawada.

Gantaaladan loo yaqaano Thaad ayaa Mareykanka waxa ay horey u geeyeen Kuuriyada Koonfureed si ay isaga difaacaan haddi Kuuriyada Waqooyi ay weerar soo qaado.

Maxay yihiin Gantaalada Thaad?

  • Waxa ay Gantaalada Thaad ay awood u leeyihiin in ay soo ridaan gantaalada riddada dhexe iyo kuwa Riddada dheer.
  • Waxa ay ka hortagi karaan gantaalada ku socda xawaaraha dheer.
  • Gantaalada Thaad ayaa waxa ay gaari karaan 200 oo kilo mitiri.
  • Mareykanka ayaa horey u geeyay Gantaaladan jasiirada Guam iyo Hawaii si uu isaga difaac haddii uu weerar kaga yimaado Kuuriyada Waqooyi.



Taaj Expess